Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Qaylo-dhaan Biyo La’aaneed Oo Ka Taagan Goboladda Bariga

0
950

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa shir ka yeelatay sidii loogu gurman lahaa goboladda dalka gaar ahaana Bariga ee ay xaaladda abaareed iyo biyo la’aantu soo waajahday.

Shir arrimahan abaaraha lagaga arrinsanayay oo maanta ka qabsoomay madaxtooyadda Somaliland oo uu   guddoominayey madaxweyne ku xigeenka  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dhawaaqay in xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran ay ka taagan tahay gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb  galay madax iyo masuuliyiin ka socota hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha samofalka ee Somaliland ku sugan, madaxda qaar ka mid ah hay’adaha madaxa bannaan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan.

Sidoo kale waxaa kulankan goob-joog ka ahaa in ka badan 30 Hay’addood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobay, hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa Samafalka ee dalka ka hawlgala. Waxaana diiradda lagu saaray sidii gurmad iyo taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada bariga Jamhuuriyadda Somaliland oo xaalad abaareed iyo mid biyo la’aaneediba ay ka jiraan.

C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay inay xukuumadda ay ka go’an tahay sidii biyo deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadkaasi, isagoo ku dhawaaqay in hadda la diraayo Booyado biyo ah, isla markaana ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan gar-gaarka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu baaq u diray Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay oo uu ugu baaqay inay deg deg uga soo jawaabaan baaqa qeylo dhaanta biyo la’aaneed ee Gobolada Bariga.

Sidoo kale guddoomiyaha hay’adda Udiyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, Mudane Faysal Cali Sheekh.  oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan biyo la’aanta wakhtigan soo food saartay gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool.

Waxaanu xusay in wakhtigan la gaadhay xilligii Kulaylka ee Kaliisha, dadka deegaanadaas ku noolina ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, iyadoo baahida ugu darani ay tahay biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa shaaca sheegay in Xaaladda biyo la’aaneed ee ka taagan Gobolada Bariga Somaliland ay tahay mid u baahan in loo sameeyo gurmad deg deg ah oo oo ballaadhan.

Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Qorshaynta iyo Arrimaha gudaha oo iyaguna kulankaasi ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay dedaal balaadhan ku bixin doonaan wixii kala gudboon, ka wasaarad ahaan, waxaana ay hogo-tusaaleeyeen qaabka ugu fudud ee dadkaasi loogu gurman karo.

Qaar ka mida Hay’addihii kasoo qeyb galay shirkaasi oo iyaguna hadalka qaatay, waxa ay sheegeen qorshayaasha waxtarka leh ee uga meel yaala Gurmadkaasi loo samaynayo dadka ku nool Gobollada Bariga Somaliland ee ay soo wajahday xaalada biyo la’aaneed.

Waxaanay isla goobtaasi kaga dhawaaqeen waxtarkooda ugu horreeya ee ay kaga qeyb qaadanayan gurmadka deg dega ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here