SONSAF oo Guddiga dooroshooyinka ugu baaqday inay is-casilaan, Madaxweynaha-na Farriin u diray

0
1014

Hargeysa,(HargeisaPress) –Daladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa Guddiga doorashooyinka Somaliland ku eedeeyay inay ku fashilmeen inay qabtaan doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo degaannada.

SONSAF ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinku aanay kalsooni ka haysan Xisbiyada ay dhexdhexaadinayaan, sidaa darteedna waxay u soo jeediyeen inay kuraasta banneeyaan, si ay yidhaahdeen doorashadu u qabsoonto.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo xubnaha Daladdaasi ku qabteen Hargeysa ayaa sheegay in kulankii dhexmaray gudida doorashooyinka iyo Golaha Guurtida ay uga cadaatay in wax doorashooyin ah oo qabsoomayaa aanay jirin islamarkaana ay gudida doorashooyinka gabi ahaanba is casilaan.

“Waxa noo muuqatay inay fashilantay wakhtigii doorashada la qaban lahaa, markaa waxaanu soo jeedinaynaa ama ay noola muuqataa haddaad garsoore tahay oo aad Cid u garsoorayso, haddii dhinac ka mid ahi kugu kalsoonaan waayey amma aad dhammaantoodba ka waydo wada-shaqayn…” sidaa ayuu yidhi Anwar.

Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan, waxa uu ugu baaqay guddiga doorashada oo uu yidhi; “Guddiga doorashooyinka waxaanu u soo jeedinaynaa in aanay wakhtiga ka lumin Ummadda iyo Qaranka oo ay banneeyaan Kuraasta ay ku fadhiyaan, si ay doorashadu u qabsoonto..”

Waxa kale oo uu Anwar sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay tallaabooyin wax ku ool ah, maaddaama oo arrintan masuuliyadda ugu wayni isaga ka saarantay oo xilkeedu isaga la yaallo.

SAWIRRO

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here