Somaliland oo Ka Qayb gashay Shir Heer Caalami ah oo Lagaga Arrinsanayay Aafada Tahriibka oo Talyaaniga lagu soo Gunaanaday

0
864

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shir Heer Caalami ah oo ay ka qayb qaadanayeen Afartan Dawladood,Urur Goboleedka Igad iyo Midowga Africa ayaa lagu soo Gabo gabeeyay Magaalada Sanremo ee Cariga Talyaaniga kaas oo lagaga hadlayay Tahriibka isla markaana lagu soo Casuumay Somaliland .

Shirkan Caalamiga ah waxaa Soo Qaban qaabisay Hay’ada IOM Geneva Waxaanu Socday Mudo Shan Cisho ah,Arrimaha Sida Xoogan loogu lafo guray Waxaaa ka Mid ah Khataraha Tahriibka, Shuruucda Caalamiga ah,Sharciyada Badaha,Denbiyada ka dhaca Badaha,Dhibaatooyinka Soo Gaadha Dhibanayaasha ee ilaa hada lala tacaalo iyo Sida dadka looga Wacyigelin karo waxyeeladooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cilmi Aadan oo Shirkaas u Matalayay Somaliland ayaa Markii la soo Gabo gabeeyay Maanta Shirkaas waxa uu Wakaalada Wararka Somaliland ee Solna uga Waramay arrimaha Shirkaasi lagu soo bandhigay waxaanu Xusay in Waxyaabaha Mudnaanta Lihi ay Isugu ururayaan Tahriibka iyo Khataraha ku Meersan “Shirkaas Waxaa lagu soo bandhigay Xog Ururin laga sameeyay Tahriibka iyo Talyaaniga oo Noqday Meesha Culayska ugu Weyni ku dhaco ee Soo Galeetiga Yurub u socdaa Marinka ka dhigteen”

tahriibka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintu waxa uu ka hadlay in doorka ay Wasaarad ahaan Gudanayaan uu la Xidhiidho Sidii Wacyigelin balaadhan loogu samayn lahaa Bulshada Somaliland oo ka Mid aha Meelaha ay dhallinyaro badani ka Tahriibto iyagoo Safar Halis ah sii maraya,Waxaanu intaas ku daray in dhamaan ergadii ka qayb gashay Shirkaasi ay ka sinaayeen in Tahriibku yahay Khatar ku soo korodhay adduunka loona baahan yahay in Xalka laga eego is waafajinta Shuruucda kala duwan eee Muhaajiriinta ku taxaluqa.

Dhinaca kale Maxamed Cilmi Aadan Ilka Case waxa uu sheegay in ka soo qayb galayaal badani oo Shirkaasi Kulmiyay ay Xog ka haysteen Somaliland isagoo Yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in ergadii shirkaas ka qayb gashay  oo Waddamo badan isaga kala yimid ay ila garanayeen Somaliland iyo waxa ay tahay,Xiligaan u shaqayn Jiray NGO-yada Markaan Shirarka Noocan oo kale ah ka qayb galo wakhti ayay igu qaadanaysay inaan fahamsiiyo dadka Somaliland waxay tahay hasa yeeshee Waxaa Maanta aad ugu faraxsanahay in ergadii shirkaas ka qayb gashay ay ila fahamsanaayeen in Somaliland tahay dal ay u dhamaystiran yihiin hanaankii Dawladnimo si weyna uga duwan deriskeeda Somaliya ”

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here