Somaliland Oo Joojisay Shirarka Ay UN-ku Qanabayaan Dalkeedda

0
502

Hargaysa (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa hakisay dhamaanba shirarka iyo kulamadda ay haayadaha qaramadda midoobay ku qabanayaan gudaha dalka.
Laga bilaabo taariikhda maanta, ilaa inta amar danbe ay ka soo saarayso wasaaradda qorshayntu.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu socod siiyay haayadaha iyo laamaha jamciyadda quruumaha ka dhaxayda ee Somaliland.
Waraaqdaasi oo uu ku saxeexnaa wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).
Taasoo ku qornayd luuqadda English-ka, ayaan lagu cadaynin wax sabab ah oo loo cuskaday joojinta shirarka iyo kulamadda haayadaha qaramadda midoobay ee ka hawl gala Somaliland.
Akhriso Waraaqdaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here