Ururka DYDO Oo Soo Saaray Baaq Ku Socda Madaxweynaha Somaliland

0
551

Hargaysa (Hargeisa Press): Ururka Daami Youth Development Organization (DYDO) oo ah urur samofal wadaniya u dhaqdhaqaaqa xuquuqda beelaha laga tiro badan yahay.
Waxaanu ku soo gudbineynaa baaq ku saabsan kuraasta qoondada ee goolaha wakiilada qoondada kuraasta beelaha laga tiro badan yahay iyo haweenka looga qoondeeyo goolayaasha baarlamaanka (Goolaha wakiilada) iyo goolayaasha dawladaha hoose ee doorashooyinka wakiilada iyo goolayaasha deeganka ee la filayo iney dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan 2020-ka.
Sida ku cad heshiiskii sadexda xisbi qaran ee UCID, WADANI IYO KULMIYE
Sida aynu la wada socono beelaha laga tiro badan yahay ee Somaliland wakiilo kuma laha goolayaasha la soo door to ee wakiilada iyo dawladaha hoose waxaana u sababa iyagoo ku soo bixi waayey doorasho hal qof iyo hal cod dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 2002-kii dawladaha hoose, 2005 Goolaha wakiilada iyo 2012 doorashooyinkii labaad ee goolayaasha dawladaha hoose ee Somaliland.
Taas oo keentay in beelaha laga tiro badan yahay aaney wakiilo ku yeelan dhamaan goolayaasha la soo doorto ee dalka inkastoo ay tartameen dhamaan sadexda doorasho musharixiin ka soo jeeda beelaha laga tiro badan yahay iyagoo waayey codkii loo baahnaa arintaas oo meesha ka saartey iney beelaha laga tiro badan yahay wakiilo ku yeeshaan goolayaasha la soo doorto.
Iyadoo arrintaasi keentay in beelahan arimahooda aan lagu soo qaadin goolayaasha deegaanka iyo baarlamaanka iyagoo ku nool xaalad nololeed oo aad u liidata dhanka dhaqaalaha iyo arimaha bulshada dhan kastaba.
Iyadoo arrintaas laga duulayo ayuu dadaal wetn sameeyay ururka DYDO oo ah uru dhalinyaro oo u ololeeya xuquuqda dadka laga tiro badan yahay ee Somaliland.
Iyagoo kaa shanaya UNSOM ay qabteen kulamo hawshan ku saabsan iyagoo soo gudbiyey bayaan ku socda xukuumada iyo goolayaasha oo ah in kuraas qoondo gaara looga sameeyo beelaha laga tiro badan yahay goolayaasha la soo door to ee wakiilada iyo dawladaha xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa July 2018 fadhigii goolaha wasiirada ee Somaliland oo uu gudoominaayey madaxweyne Muuse Biixi waxay soo saareen soo jeedin in kuraas qoondo ah laga siiyo beelaha laga tiro badan yahay iyo haweenka goolayaasha wakiilada isla markaana u soo gudbiyey goolaha wakiilada si ay wax ka bedel ugu sameeyaan xeerka doorashooyinka goolaha wakiilada arintaas oo hada ay gacanta ku hayaan gudi hoosaadka arrimaha gudaha ee goolaha wakiilada.
Si ay ugu daraan xeerka doorashooyinka goolaha wakiilada arinta qoondada iyagoo ka duulaya soo jeedintii goolaha wasiirada Somaliland July 2020 (proposed qoute bill of minority and women).
Ugu danbeyn ururka dhalinyarada DYDO ee beelaha laga tiro badan yahay Somaliland oo kaashanaya UNSOM/HRPG iyadoo labada goole ee baarlamaanka Somaliland wakiilada iyo Guurtidu ay cod ku laaleeb qoondada kuraasta ee ansixiyaan qoondada kuraasta gaarka ah looga qoondeeyo haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay ee goolayaasha wakiilada iyo dawladaha hoose ka saarey qoondadii xeerarka doorashooyinka Somaliland.
Arrintaas oo caqab ku noqoneysa ka qayb galka siyaasada ee haween iyo beelaha laga tiro badan yahay ugu danbeyn waxaanu ugu baaqeyna madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi inuu difaaco oo uu hirgeliyo qoondada kuraasta gaarka ah ee haweenka iyo beelaha laga tiro badan ee goolayaasha wakiilada Iyo dawladaha hoose ee Somaliland.
Mudane madaxweyne maadaama aad adiga iyo xukuumadaadu soo diyaariseen qoondada kuraasta ee haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay ee Somaliland ee goolayaasha wakiilada Iyo dawladaha hoose.
Waxaanu kaa codsaneynaa inaad difaacdid oo aad goolayaasha dib ugu celisid xeerarka doorashooyinka ai ay ugu soo daraan qoondada kuraasta ee haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay.

ALLAA MAHAD LEH
Ururka Daami Youth Development Organization Somaliland minorities DYDO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here