Somaliland oo Beesha Caalamka U Jeedisey Baaq La Xidhiidha Arrinta Laascaanood

0
5490
beesha caalamka oo ku baaqday in-deg deg loo qabto doorashooyinka somaliland

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay Beesha Caalamka u jeedisay baaq xaasaasi ah oo la xidhiidha arrintan magaalada Laascaanood.

Somaliland, ayaa waxaa ay Beesha Caalamka ugu baaqday inay dhaliilaan argagxisada hurinaya cabashada bulshada magaalada Laascaanood ee hanaanka qabiilna u dhigaya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo qoraal ku baahisay boggeeda Twitterka, ayaa waxaa ay ku daadafaysay fariin Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Souefmo Elamine kaga hadlay dhacdadii magaalada Laascaanod, oo ah magaalo ka tiirsan Somaliland.

Sidoo kale, waxay Wasaaradda arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ugu baaqday inay ka hadasho qalalaasaha maamulada jaarka, kana taageeraan xasilinta nabada iyo deggenaanshaha bulshada.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa yimi ka dib markii Wakiilka Midowga Afrika uu dhowaan si khaldan uga hadlay qadiyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here