“Waa markii u horysay ee xaafadda Daami miisaaniyadda lacag loogu darro…”

0
389

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cadaalada Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa caawimo ay xukuumaddu soo bixisay u qaybiyay bulshadda ku nool xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa.

Caawimadaasi laga soo saaray miisaaniyadda qaranka Somaliland, ayaa qayb ka ah dhaqaale ay xukuumadu u qorshaysay in lagu caawiyo bulshadda xaafadda Daami, si loo dhiso dhaqaalahoodda.

Mahdi Cismaan Buuri, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cadaalada Somaliland oo caawimadaasi u qaybiyay dadweynaha, ayaa ku guubaabiyay Dumarka xaafada Daami, inay ka faa’iidaystaan deeqdan miisaaniyada Qarankla looga soo saaray.

Waxaanu sheegay Mahdi Cismaan Buuri, in ay noqonayso markii u horysay ee misaaniyadda qaranka lacag loogu darro bulshadda xaafadda Daami, isla markaana uu madaxweyne Muuse Biixi-na saxeexay si ay horumar dhaqaale u sameeyaan dadweynaha Daami.

Geesta kale, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cadaaladda Somaliland, ayaa dadweynaha xaafadda Daami ku booriyay in ay bulsho ahaan is caawiyaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii ay u samaysan lahaayeen ganacsiyo.

Lacagtaasi la gaadhsiiyay Haweenka xaafadda Daami, ayaa loogu soo iibiyay xoolo nool gaar ahaan Adhi, halka qaarkood na ay waxyaabo kale ku soo iibsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here