Somaliland: Mudaharaad Xooggan Oo Maanta Ka Dhacay Boorama Sababayna Xadhiga Wariyeyaal iyo Dhalinyaro

0
911

news logo HPHargeysa, (HargeisaPress) — Mudaharaad rabshado wata ayaa maanta gilgilay ka dib markii Ciidanka Boolisku xidhay Cabdiraxmaan Shide Bille,oo mudo ilaa 6 Sano ah Maayar ka ahaan jiray Magaalada Boorama.

Dadka mudaharaadayay oo u badan Dhalinyaro ayaa jidadka halbawlaha ah ku gubay taayiro, iyadoo ka dibna Boolisku rasaas u adeegsaday.ilaa hadda ma jiro khasaare dhimasho ah balse ilaa dhawr iyo toban dhalinyaro mudaharaadaysay ah ayaa xidhan, iyadoo sidoo kalena la xidhay saddex Wariye oo ka kala tirsan telefishanada Universaltv iyo Bulshotv.

Ilaa hadda war rasmi ah kama soo bixin Mudaharaadkaasi, iyadoo aan xukumadduna wali wax war ah ka soo saarin.ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Awdal ayaa BBC-da u sheegay in Maayarka hore ee Boorama loo xidhay arimo dhanka amaanka ah. Wax faahfaahin ah kama bixin balse waxa uu ku gaabsaday inuu falal amniga ka dhan ah uu faraha kula jiray.

Xaaladda Magaalada Boorama ayaa degan ka dib markii waxgaradka degaanku waanwaan ka galay arinta, islamarkaana Dhalinyarada gadoodsan ku qanciyay inay isdejiyaan, waxaase wali xidhan Maayarka hore ee Boorama.

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here