Somaliland: Maxaa Caqabad ku Noqon Kara Doorashada Is-barkan ee Kal-dambe?

0
877
Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hal-qabsi:

Runeey lagu neceb;

Lagu rookee;

Layska kaa reeb;

Ristaad daaqdaba

Lagu raad-goob

Fule kaa roor;

Ruxrux-doon iyo

Ra’iis daalin ah,

Midna kuma rabo.

(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye maansadii Runeey lagu neceb 1984).

Waxa aynu ogsoonahey in doorashada is-barkan ee tartanka M/weyne iyo K/xigeenka iyo mida Golaha Wakiiladu ay ku mudeysan yihiin bisha Maarij ee kal-dambe (2017ka)-in sha Allah-.

 

Haddaba, waxaa isweydiin mudan maxaa caqabad ku noqon kara habsami u qabsoomida doorashooyinkaas oo nidaam ahaan inagu cusub in isu mar la qabto?

 

Waayo, waa in aynu sameyno qiimeyn si guud iyo si gaar ahba waana lama huraan in lala yimaado wax-qabadkan oo kale xilliyada howlahakan la dhameystiro balse MA SAMEYNO DHAB AHAAN (Doorashooyinka). Inta badan waxaa inoo qabta howlahaas intii aynu ku jirney nidaamka axsaabta badan ciddo kale oo siyaabo kala duwan inoogu xidhan. Ma arag warbixin si cilmiyeysan ay mar uun u diyaariyeen ciddaha ummad ahaan sida tooska ah ugu lug leh arrimaha siyaasada iyo doorashooyinka! Waxaa ay u yaqaaniin WARBIXIN mararka shirarka sida kooban ay warbaahinta ula hadlaan!

 

Sidaa darteed, iyada oo aynu ku jirabeyno maskax ka fayow caadifad siyaasi ah, mid qabiil, mid murasharax aad u jibeysan tahey, mid koox aad isu dan tihiin, mid dan gaar ah IWM! Waa lagama maarmaan in aynu lafo-gur iyo qiimeyn ku sameyno si aynu u guddano doorasho xor ah misna xalaal ah inta suurto-gal ah! Waa milgaha ay ummadu ka mudan tahey SAAREYDA SIYAASADA in ay meel-mariyaan mar walba!

 

Arragtidayda shakhsiga ah, arrimaha hoos ku xusan iyo in badan oo kale oo idinka akhristayaasha ah aad ku biirin kartaan ayaa ila quman in aynu wakhti ka hor XAL U HELNO OO HIRGELINO si aynu GUUL HOR LEH UGU NAALOONO ummad ahaan mustaqbalka dhow-in Sha Allah-:

 

  1. Xisbinimada sida aynu u jileyno oo dib-u-eegis dhab ah lagu sameeyo. Waa khiyaamo, cameys, iyo jah-wareer aynu ummadeena ku tacliimineyno sida hadda la qabatimey muddada 14ka sanno ah oo aynu xisbinimada ku dhaqmeyney. Aynu waafajino sifaha dhabta ee xisbinimada oo lagu tallaalo milgaha dhaqankeena suuban (bal dhugo maqaalka CAAN BAXEY iyo xigmada ku ladhan oo uu inooga tagey halgamaagii Alleystey “Where I stand” Bare-sare Ibraahim Meygaag Samater-AHUN-. Waxaa kale oo aad akhridaa inta warbixino kala duwan laga diyaariyey cahdiga doorashooyinka iyo geediga QAAN-GAADHKA AH EE HABKA TALO-WADAAGA AH-the Democracy system- ee aynu cuganey. Aan idin xasuusiyo mid ka mid ah kuwa ugu dambeeyey oo soo baxey 5tii Octoober 2015 oo ICG ay soo saartey (Fadlan dhugo xogta ku duugan macluumadkan).

 

  1. Waa in la sameeyo xisaabtan dhab ah sida xisbiyadu u shaqeeyaan, u oll-oleeyaan, una kasbadaan taageerayaashooda? Waa arrin dhib weyn lagala kulmey oo akhlaaq ahaan saameyn taban ku reebtey inta badan ummada gaar ahaan da’yarta, dhinacyo kale oo bulshada ka mid ah iyo haweenka!

 

  1. Qabyaalada oo u baahan in laga waantoobo meesha hadda la marinaayo lagana gurmado si deg-deg ah. Yaab weeye, ummad qabatintey cudur misna ay dabiib dhab ah uga baahan tahey goor walba! Xaqiiq weeye in maanta qabyaaladu gaadhey meesha ugu xumeyd ABID inta aynu dowladnimo sheeganeyney.

 

  1. Qabyo tirka arrimaha dowladnimada iyo fidinta maamulka inta ka dhiman dalka oo cirmi badan tirsadey. Yaab weeyi, in cudurka kaa gala fardaha laga gubo dameer! Ma isweydiiney xaalada maamul ee dalkeena iyo sida arrimo u jiraan; maamul ahaan, tayo ahaan, shaqo ahaan, xeer iyo sharci ahaan, IWM?

 

  1. In la diyaariyo oo la dhameystiro wakhti ka hor xeerka doorashada golaha guurtida oo noqdey hal-xidhaale taagan! Waa yaab, in aan weli la hadal qaadin arrintan muhiimka ah? Waana hubaal in berri ka maalin ay noqon doonto laf-dhuun gashey?

 

  1. In la is-waafajiyo doorashada golaha wakiilada oo muddeysan hadda balse duruufo ku gedaaman ay khasbi karaan in dib loo dhigo oo isla xilli kuwa golayaasha deegaanka lala qabto? Waayo, riyo weeye hamuunta doorashadatan loo qabo marka aad barbardhigto qabyada la deriska ah nidaam ahaan iyo sharci ahaan! Mee saamiga kuraastu; 1000 cod ayaa xildhibaan leh halka 6000 oo codna aaney wakiil laheyn? Waa arrin muhiim ah in la dhameeyo? Waa in laga heshiiyo ummad ahaan oo maskax caafimaad qabta lagu daweeyo? Uma baahnin caadifad, cunsuriyad qabiil, gujo ku maal, daneysi IWM! Waa aynu kasoo daalney arrimahaas dhan waana xilli ay waaib tahey in si dhab ah loo helo doonista ummada!

 

  1. In hay’adaha ku shaqada leh diiwaangelinta; mida madaniga ah iyo mida cod-bixiyaha ay si dhab ah ugu kuur galaan xaaladaha ku gedaaman iyo dareenka ummadu ka qabto doorashooyinka joogtada noqdey misna ay qabyo la deris tahey mar walba iyada oo aan la isweydiin ka hor inta aan la gaadhin xilliga ay ku mudeysan tahey? Waxaa caado in xisbiyada iyo cidaha kale ee masuuliyada la wadaaga ka dhigteen dhaqan muran, is heyn, iyo kaambeyno joogto ah waa kuwa dheesha sida tooska ugu lug leh sameeyaan sifo khaldan. Dadku waa ka daaley muranada iyo siyaasadaha cakiran oo soo noqdey noqdey waana hubaal in niyad jab weyn uu jiro oo ummadu ka qabto siyaasada noqon qaan-gaadh marnaba balse cimri tirsatey! “Walaal maxaa doorashooyinka aad sheegeysaan keenayaan kuwii horeba guul lagama gaadhin oo rag tol ah ayaa ku coloobey” sidaa waxaa tiraabey nin odey ah deegaanka Xidhinta ee Gobolka Gabiley mar wacyi-gelin laga sameynayey bishii Oktoober ee kal-hore. “Diiwaangelinta madaniga ah halkan Ceel-bardaale lama keenin Kala-beydh oo 30 Km noo jirta iyo Gabiley oo 36 Km ah ayaa ugu dhowaa. Aniga oo socoto ah ayaan isa sajiley mana hayo kaadhkeygii. Illaa afar goor ayaan Gabiley u safrey si aan u helo mana hayo! Markaa maxaa macno uu sameynayaa midka cod-bixiyuhu haddiiba kii hore aan la helin, la keenin, oo aan la siin inta kooban ee la fursada heshay in ay is-diiwaangeliyaan” sidaa waxaa tiraabey nin waayeel ah oo ku sugnaa Ceel-bardaale bisha Oktoober 2015 ee Kal-hore.

 

  1. Waa in si dhab loo hirgeliyo hab maamulka guddiga doorashooyinka oo heer qaran, mid gobol iyo kan heer degmo loo dhameeyo hirgelinta hay’ad ahaan oo weli kala dhantaalan. Waa in si rasmi ah loo helo shaqaalaha guddiga doorashooyinka oo xirfadlanimadooda loogu shaqaaleeyo, qalab ahaan, dhisme ahaan, iyo maamul ahaan oo la qabyo-tiro. Maxaa muddo 14 sanno ah qabyo ka dhigey arrintan?

 

  1. Waa in aynu ka korno oo horumar laga sameeyo misna laga maarmo kaalmada shisheeye ee joodtada ah oo arrimaha doorashadeenu ay la noole u tahey. Waayo, waa ayaandaro in mustaqbalka aayaha nolosheena aynu kaalmo shiysheeye ku xidho. Waxaaba ku filan in yar oo korsaar looga dhigo miisaaniyadeena (3% of annual budget every year).

 

Waxaan is leeyahey waa sannad aynu meelmarin karno in laga gudbo heerka hoose oo siyaasadeenu ku wareegto oo dowladnimada ragaadiyey misna inaga dhigey ma gudbayaal aan marnaba ABJAD uga gudbin Suuratul Faatixa!

 

Gebo-gebada, aan ku soo afmeero qoraalkeyga tuducyo ka mid ah MAHADHOOYINKII Gabyaa M. C/raxman X. Jaamac-Lugooyo-:

 

Qardoof iyo khilaaf teenu waa ka qoto dheertaye,

Halkuu qaranjabkeenuba ka dhacey, qiiqa damiwaayey,

Malaha qodaxda meel durugsan bay qaar ka dayayaane,

Qol-qolada guryahaa lagala yimid Qaasinow cudure…..

 

(Gabyaa Max’ed C/raxmaan X. Jaamac-Lugooyo- Gabeygii Qaranjab).

 

Qalinkii:          Mustafe Suleymaan Cilmi, Hargeysa, Somaliland.

 

Cell Phone: 00252 (0)634137470

Email: mustafe72@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here