SOMALILAND MARKAY LABA TALAABO HORE U QAADO MA SHAN KALE AYAY DIB U QAADAYSAA?

0
1147
Prof. Adam Ismail (Adan wali) PHOTO FILE

Shacabka reer Somaliland waxay labadii wiig ee ugu danbeeyay arkeen Guddida Dabagalka Hantida Qaranka (Public Accounts Sub-Committee) ee ka tirsan Golaha Wakiilada oo xogo badan oo tilmaamay wax isdaba marin (misappropriation), maamul xumo (maladministration) iyo musumaasuq (corruption) soo bandhigay. Iyaga oo si sharci ah Golaha Wakiilada u mariyay xogtii ay soo heleen, taas oo uu Goluhuna u codeeyay sidaana ku noqotay sharci la ansixiyay.

Waxay shacabka reer Somaliland ku qanceen inay Guddidu guteen waajibkoodii dastuuriga ahaa ee ahaa inay dabagal ku sameeyaan meesha ay gashay hantida qaranku iyo in lagu qabtay shaqadii loogu talo galay ama loo isticmaalay hawshii loo qoondeeyay. Waxanay sida ka muuqatay Baraha Bulshada iyo goobaha lagu doodo ay shacabku taageero buuxda isla garab taageen guddida oo ay u arkeen inay qaadeen talaabo loo baahnaa.

Waxase ayaan darro noqotay in go’aankii Goluhu ansixiyay ee sharciga ahaa uu Guddoomiyaha Goluhu ganafka ku dhuftay isla markaana si degdeg ah xaal uga siiyay shirkada Dahabshiil oo ay xogtu ku eedaysay inaanay wada bixin lacagtii dhulkii Liinka Booliiska ee sifaha qaldan looga raray dadkii deganaa lagana iibiyay isaga oo aan Guddoomiyuhu haba yaraatee la tashan waxna ka waydiin Guddidii Dabagalka Hantida Qaranka ee soo heshay xogta.

Halkaas oo keliya kumuu joogine Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax wuxuu shaqadii ka qaaday Guddoomiyihii Guddida ee xogta soo diyaarisay Naasir Xaaji Cali Shire ka dib markii ay shirkada Dahabshiil u soo dacwoodeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada. Arrintani waxay muujinaysaa inay shirkadaha qaar ka sarreeyaan sharciga oo cidda soo hadal qaadaa ay ka shallaynayso sidaasina dalkan dhiqi mayso.

Waxa muhiim ah in la fahmo inay Guddida Dabagalka Hantida Qaranku tahay dastuuri. Haseyeeshee iyadu wax ma xidho ee xogta ay samaysay ayaa hadii caddayn loo helo cidii dembi leh maxakamad lagu geeyaa, markaa dalka iyo dadkuba waxay u baahanyihiin inay sharciyadu shaqayso oo ka sarrayso awooda dhaqaale ee uu shakhsi ama shirkadi haysato (supremacy of the rule of law).

Waxan ku soo gunaanadayaa waxa madaxwayanaha dalka looga baahanyahay inuu taageero buuxda siiyo shaqada guddida isla markaana xogtii la soo ururiyay loo gudbiyo xeer ilaalinta iyo hay’adaha sharciga oo aan halkaa lagaga hadhin cidii dembi gashay hanti qarana lunsatay. Madaxwayne arrintana taageero wayn ayaad kaga helaysaa shacabka u ooman caddaalada iyo sharcigu inuu shaqeeyo.

Somaliland Guul!

Aadanweli Ismail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here