Somaliland iyo Masar Oo Iska Kaashanaya Dhaqaalaha iyo Amaanka

0
953

Qaahira (Hargeisa Press.com): Wefti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku tegay dalka Masar ayaa kulamo la yeeshay wasiirro, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan dawladaasi.

Weftigan ka socda Somaliland waxaa hogaaminaya wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan, waxaana weftigaasi qaabilay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar, Xamdi Losar.

Waxaanay weftigaasi ka socda Somaliland  waxay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan dawladda Masar, oo uu ka mid ahaa wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Masara, Saraakiil ka mida  kaaliyeyaasha dawladda Masar u qaabilsan dalala Afirka iyo Geeska Afrika.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo warbaahinta loogu tallo galay.

Geesta  kale weftigan ka socday Somaliland waxay kulan la qaateen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga dawladda Masar,  oo uu hogaaminayay general  Jamal Xigasi,  iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda iskaashiga dibadda iyo horumarinta ee dawladda Masar.

Kulamadaas kala duwan waxaa la sheegay in ay ka soo baxeen in la isku af-gartay in labadda dal ee Somaliland iyo Masar ay iska kaashadaan dhinacyadda waxbarashadda, caafimaadka, horumarinta  dhaqaalaha iyo amaanka.

Waxa kaloo war-saxaafadeedkaasi lagu yidhi ‘waxaa la saxeexi doonaa heshiis is-af-garad, inta weftigani ay ku sugan yihiin wadanka Masar.

Dhinaca kale waa markii u horaysay oo wefti ka socda jamhuuriyadda uu booqasho ku tago dalka Masar, tan iyo markii ay Somaliland gooni isu-taageedda ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii.

Hase yeeshee, tallaabadan ayaa loo arkaa in ay ka mid tahay isbedeladda siyaasadeed ee ka curtay wadamadda Geeska Afrika  iyo kuwa la deriska ah oo ay Masar ka mid tahay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here