“Hadalka ka soo yeedhay guddoomiyaha SONSAF wuxuu ahaa mid sharciga baal-marsan”… komishanka doorashooyinka

0
963

“SONSAF waa hay’adaha aan aasaasiga u ahayn xagga siyaasadda iyo shuruucdaba markaa waxay ahayd in uu garto xayn-daabka sharci ee isaga ku hareeraysan”… Guddoomiye C/qaadir Iimaan

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa mid sharciga baal-marsan ku tilmaamay baaq ay shalay soo saareen dalladda ay ku midaysan yihiin ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee marka magacoodda la soo gabiyo loo yaqaano SONSAF.

Baaqaas oo guddoomiyaha SONSAF oo warbaahinta la hadlay uu ku sheegay  in komishanka doorashooyinku ay is casilaan si bay yidhaahdeen ay doorashooyinku u qabsoomaan, isla markaana uu dhabar jebinayo qabsoomidda doorashooyinka.

C/qaadir Iimaan Warsame, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntoodda magaaladda Hargaysa, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay guddoomiyaha SONSAF. Waxaanu ku eedeeyay guddoomiyaha SONSAF in uu baal maray xayn-daabka sharci ee arrimaha qabsoomidda doorashooyinka.

Geesta kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland waxa uu sheegay in doorashadda golaha Wakiiladda oo ku mudaysan in ay qabsoonto 12-ka bisha December ee sanadkan ay waxyaabaheedii u diyaar yihiin.

Waxaanu intaas raaciyay in guddoomiyaha SONSAF uu ku gefay madaxweynaha Somaliland oo uu amar ku siinayo in uu komishanka doorashooyinka kala diro, taasina aanay ahayn mid ay sharci u leeyihiin SONSAF.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here