Somaliland: Idaacadda Baadi-goob iyo Afar Nin Oo Xalay Hargeysa Lagu Qabtay

0
895

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa caawa ay ciidamada Booliska ee Hargeysa qabteen idaacad FM ah oo lagu magacaabo Radio Baadi-goob taas oo habeen kasta marka ay saacadu gaadho 9:30 laga dhagaysto Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa xaqiijiyay in la soo qabtay idaacadaas ka dib baadhis ay muddo ku hayeen Boolisku. Wuxuu sheegay in lala soo qabtay afar nin oo uu sheegay inay hawsha baahinta ku dhex jireen. Waxa laga soo qabtay xaafadda Oktoobar ee Hargeysa.

 

Idaacaddan ayaa baahin jirtay Heeso qaraami ah oo ka dhan ah Xukumadda kuwaasi oo tawradii Siyaad Barre loo qaadi jiray,waxayna ka bixi jireen inta ay hawada ku jirto habeenkii. ilaa hadda lama oga cida ka masuulka ah idaacaddaasi

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here