Somaliland: Guddida Dhexdhexaadinta Ururka SOLJA Oo Go’aamo Soo Saartay

0
1051

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida Odayaasha Saxaafadda ee isku xilsaaray dhexdhexaadinta Khilaafaadka Ururka Suxufiyiinta SOLJA, ayaa soo saaray talooyin iyo go’aamo lagu suuro galinayo qabsoomida Shirweynaha 5-aad ee Solja.

Guddida ayaa go’aamisay in guddida fulinta Solja iyo Gudoomiyaha wakhtigoodu dhamaaday xaq u leeyihiin hogaaminta Ururka ilaa laga dooranayo Hogaanka kale,lana qabanayo Shirweynaha Ururka.

Gudoomiyaha Guddida dhexdhexaadinta Solja Xuseen Cali Nuur oo ka hadlay Shir jaraa’id oo ay Guddidu ku qabatay Hotel Xaraf ee Hargeysa ayuu ku sheegay in Awooda qabashada Shirweynaha ay yeelan doonaan Guddida fulinta iyo gudoomiyaha oo eegaya Danta guud ee Ururka Suxufiyiinta Solja.

Xuseen Cali Nuur Oo Warbaahinta u akhriyay Go’aamada guddida ayaa yidhi “Guddiga dhexdhexaadintu waxa uu ku talinayaa, Go’aana ku gaadhay in Shirweynaha 5-aad ee SOLJA la qabto inta u dhexaysa 24-ka iyo 25-ka Bisha September; In Shiweynuhu go’aamiyo in Xeerka Ururka oo hadda goldaloolooyin badan leh in wax ka bedel lagu sameeyo; In xubinimada Ururka lagu saleeyo Suxufiga ee aan lagu salayn Hay’adda uu ka tirsan yahay; In Gudoomiyaha iyo guddida fulintu Shirweynaha ku qabtaan xilligii aanu ku talinay, iyagoo danaynaya Danta guud ee Ururka”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here