Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Oo Beeralayda Garbo-Dadar La Yeelatay Kulan Lagu Faaqidayey Kobcinta Wax-Soo Saarka

0
1032

Hargeysa, (HargeisaPress) — Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Beeraha oo uu horkacayo Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Masuuliyiin iyaguna metelayey hay’adda FAO iyo hormuudka deegaanka Garbodadar ayaa shalay  yeeshay shir ay ku falanqaynayaan dar dar galinta wax soo saarka .

Shirka lagu falanqaynayey horumarinta, dar dar galinta iyo sixida dhaliilaha mashruuca waraabka ee Durdur oo ay ah mid ay wasaaraddu ugu talo gashay ka faa’iidaysiga durdurka deegaanadaasi mara, isla markaana hay’adda FAO ka taageeraysay dhinaca dhaqaalaha oo soconayey muddo sadex sano ayaa waxa ka qayb galay shirka lagu falanqaynayey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha C/laahi Faarax Ismaaciil, La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab, Af-hayeenka Wasaaradda Sacad Muuse Cabdi, Isuduwaha Lughaya ee wasaaradda Abubakar, hay’adda FAO oo ay ka socdeen masuuliyiinteeda ugu sareeya ee Somaliland u jooga qaar ka mid ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Daria iyo Mallukota, waxaana shirka sidoo kale ka soo qayb galay dadweynaha deegaanka Garbodadar xubno matalayey.

Shirkan ayaa intii u socday waxa lagu lafo guray sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka iyo beeraha, iyada oo sidoo kalena lagu falanqeeyey taageero kala duwan oo ay hay’adda FAO siisay dadweynaha deegaankaasi halka ay marayaan iyo sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay.

Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo shirka ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay sida ay mar kasta diyaarka ugu yihiin inay wax la qabtaan beeralayda, isla markaana cabashadooda u dhagaystaan, taasina ay sababtay in deegaankooda ugu tagaan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland C/laahi Faarax Ismaaciil oo isna ka hadlay shirkan, waxaanu ka sheekeeyey muhiimada ay leeyihiin kanaalada loo dhisay beeralayda, isaga oo tilmaamay in wixii khaldana isku dayi doonaan inay saxaan.

Shirkan ayaa sidoo kale waxa ay masuuliyiintu ku dhagaysteen tabashada bulshada iyo sida ay u arkaan Kanaalo biyaha Durdurka ah loogu soo leexinayo beerahooda, isla markaana lagu doonayo in lagu kobciyo beeraha.

Deegaanka Garbodadar ayaa ka mid ah deegaanada Somaliland ee ay dooxyada Durdurka ee aan biyuhu ka joogsan maraan, iyada oo iskaashi ay wasaaradda Beeruhu la samaysay Hay’adda FAO ku hirgalisay in biyaha durdurka loo weeciyo beeraha deegaanka ee ka ag dhaw Dooxa biyuhu maraan badi sanadka, wakhti yar oo ay gudhaan mooyaane.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here