HargeisaPress —Waxa aan ka jawaabayaa, war aan macno badan tareyn oo diciif ah oo dadka qaar aan aragti fog oo durugsan lahayni dood iyo dacwad siyaasi ah ka dhigtaan. Warkaasi waa ka odhanaya Itoobiya waa cadowgeena? Adiga oo ayo ah ayey cadow u tahay? waxa uu ku jawaabayaa waa cadow Soomaaliyeed. Waxa uu soo qaadanayaa dhibkii dawladdii Soomaaliyeed burburriyey, oo taasi adiga ba miyaaney ku dillin oo aanney ku qaxin? waxa kale oo uu soo qaadanayaa waxa ka dhacaya Soomaalida Koonfurta, oo awal miyaaney iyagu dalban oo aanney isugu yeedhin si ay iskugu muquuniyaan? Ugu damben waxa uu soo qaadanayaa tii ugu dambeysay ee ka dhacday deegaanka Gaashaamo, oo yaa laayey dadka miyaaney Liyuu Boolis qabiileysan ahayn?
Waxa ay runtu tahay ninka sidaa aaminsannow, Itoobiya waa dal aynnu jaar nahay oo aynnu jaar ahaan doono inta uu qiyaamuhu ka dhacayo. Labadeena dhinacba waxa u dan ah in aynnu nabad ku wada noolaano si aynaan iskugu baabi’in oo adduunyada ubadkeena iyo dadkeenu toona uga hadhin.
Burburkii dawladdii Soomaalidu waxa keenay caddaalad-darro, farsamo xumo, eex iyo xumaan Soomaalidii geellayda ahayd sideeda u kala dhex taalley oo ay dawladdeeyeen. Qabyaaladdii la dawladdeeyey waa ay duntay. Colaaddii innaga dhexeysay Itoobiya wakhtigaa ee dhulka ahayd ee adduunka oo dhan iyada innaga raacay waxa ay Itoobiya ugu faa’ideysatey si fiican oo jabhadihii qabyaaladda dawladdeysan ka soo horjeeday waa ay magan-galisay. Si la mid ah sidii dawladdii Military ga ahayd ee Maxamed Siyaad u magan-galisay Jabhaddii EPDRF. Ama sidii uu Siyaad Barre taageerrada u siin jiray Jabhaddii ONLF.
Qabyaaladdii Soomaalida baabi’isay way sii miciyeysatey oo halkii ay taagneyd meel ka sii xun ayey taagan tahay. Maanta sheekh, sharriif, shaydaan, siyaasi, aqoonyahan, suuggaan-yahan, qurbejoog, iyo shacab gudaha jooggaba waa ay buux dhaafisay. Waa taa la isku dawladdeeyey ee Xamar 2006 wadaaddo qabiilaysani diintii madaxa ku soo duubteen, ee mooryaantii ay ka soo horjeedeen na ay Itoobiyaan, Kiiniyaan, Yugaandhiis, Maraykan iyo Yurubbiyaan keensadeen ee la isku adeegsadey dalal shisheeya walina la isku garaacayo.
Arrinta Gaashaamo ee ugu dambeysay waxa wada waa Soomaali Liyuu Boolis ah oo ka amar qaata Jigjiga. Waxa ay la mid tahay waxa ka dhacaya Soomaaliya ee qabiil walbaaba dawlad shisheeye dabada galiyey.
Runtu halkaas ayey taal, wali Soomaali ayaa isku dawladdeynaysa oo shaadh ciidan oo shisheeye ah isku adeegsaneysa markii shaadhkoodii ciidan isku dul dhamaadey ee ay is burburriyeen. Markaa bal aan su’aal isweydiinno eh, ma innaga ayaa isku cadow ah mise Itoobiya. Dabcan Itoobiya shaqadeeda ayey qabsaneysaa waxa aannad tahay cadowgeedii oo jabay, laakiin cidda wali is raad-goobaysaa waa adiga oo Soomaali ah meesha aad doonto joog. Waynaan is ogayn malaha eh, cadaawadda Itoobiya mid ka xun ayey Soomaalidu isku qabtaa oo aanney midh iska reebteen haddii ay itaal isku helayso.
Ugu danbeyn, waxa aan u soo jeedin lahaa shacabka Somaliland meel ay jooggaanba. Somaliland iyo Itoobiya heshiis balaadhan ayaa dhex maray 1993, 1996, 1998, 2005, 2012, 2013, 2016. Dhamaan heshiis yadaasii waxa ay ahaayeen intooda hore kuwa amniga khuseeya marka laga soo bilaabo 1993 – 2005. Maanta heshiiskaasi waa uu adkaadey waxa uu u gudbay heshiish ganacsi iyo in ay Somaliland noqoto Pipeline kii Itoobiya.
Wax dhib ah qaran ahaan kama aynaan arag tan iyo intii aynnu dawladnimada sameysaney 1991 – 2016. Dhul aan leenahay ma sheeggato, waligeen xuduuddeena kuma ay soo xad-gudbin. Yaan Soomaali kale oo aan dan kuu hayn kugu dirrin oo aannu idin coleysiin. Ogow in Itoobiya ay innoo baahan tahay in ka badan inta aynnu innagu u baahannahay.
Aynnu caqli fiican la nimaadno oo barano sida loo la noolaado jaararka ee loo kala faa’ideysto ee yaan taa cakis keeda cid iyaba tashan kari waydey oo Xamar lagu ilaaliyaa aanney ku barin sida jaararka loo la calooba. Waxa la yidhi riyo haddii ay dib leeyihiin dabadooda ayey ku qarin lahaayeen. Ogow maanta haddii aad Itoobiya Reer Somaliland-now isku dhacdaan walaahi cidda ugu horeysa ee birta kaa asleysa ee kuu soo raacaysaa waa Soomaali. Nacas ha noqon eh fadlan dantaada garo.
Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.