Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Go’aan Diidmo Ah Kaga Jawaabay Codsi Uga Yimi Wasiirka Cadaalada Somaliland

0
779
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee JSL Md. Aadan Xaaji Cali Axmed

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland mudane Aadan Xaaji Cali ayaa go’aan diidmo ah kaga jawaabay codsi uga yimi wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland mudane Axmed Faarax Cadare.

 

Waxaana codsigan uu wasiirku usoo direy gudoomiyaha maxkamada sare uu aha kana codsaday gudoomiyaha inuu ruqsada qareenimo kala noqdo Guuleed Axmed Jaamac oo kamida qareenada ka shaqeeya maxkamadaha Somaliland.

 

Wasiirka ayaa ruqsad ka qaadista Guuleed Axmed Jaamac ku sababeeyey inuu yahay qareen maxkamadeed iyo gudoomiyaha xuquuqal iinsanaka labadaba.

 

Gudoomiyaha maxkamada sare ayaa markii uu codsigaasi soo gadhay waxa uu kaga jawaabay go’aan diidmo ah isaga oo sheegay inuu Guuleed Axmed Jaamac sii wadan kaor shaqadiisii qareenimo.

 

Go’aanka uu gudoomiyuhu ku diiday ka qaadista ruqsad qareenimo Guuleed Axmed Jaamac ay u dhignayd sida tan.

 

war

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here