Somalilad: Kulan Ku Saabsan Siyaasadda Beeraha Oo Hargaysa Ka Furmay

0
374

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay kulan-hawleed Lagaga hadlayo siyaasadda heer qaran ee beeraha.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda beeraha, khubarro arrimaha beeraha ku takhasusay, aqoon yahano dhinaca beeraha ah oo ka socday jaamacadaha dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay saraakiil ka socday qaar ka mida haayadaha caalamiga ah ee    ka shaqeeya arrimaha beeraha iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Kulankaasi oo ka kooban laba qaybood ayaa socon doona laba maalmood ayaa  lagaga hadli doonaa  siyaasadda beeraha ee heer qaran iyo Siidhka ama shiinnada.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here