“Aad baan ugu mahad celinayaa wasiirka iyo agaasimaha guud waxay ahayd Warran”…

0
336

Hargaysa (HP): Agaasimaha idaacadda qaranka somaliland ee Radio Hargeisa Axmed    (Axmed-shiine), ayaa masuuliyiinta wasaaradaasi ku bogaadiyay dedaalka ay u galeen sidii dalka loo keenni lahaa idaacado FM-yo ah.

Axmed Ibraahim Cali (Axmed-shiine), oo hadal ka jeediyay munaasibad shalay lagu soo bandhigayay idaacado cusub oo FM-yo ah oo ay wasaaradda warfaafintu dalka keentay.

Waxaanu Axmed-shiine, wasiirka warfaafinta iyo agaasimaha guud ba uu uga mahad celiyay dedaalka weyn ee ay u galeen in ay dalka keenaan FM-yo wada gaadha dhamaanba goboladda dalka.

Kuwaasoo uu sheegay agaasimaha Radio Hargeisa in bulshadda Somaliland ay baahi weyn u qabtay in ay hesho xogta iyo warka mid gudeed iyo mid dibadeed ba.

Taasoo uu Axmed Shiine ku tilmaamay in  ay tahay xuquuq aasaasi ah oo ay leeyihiin bulshadda Somaliland in ay dawladoodda ka helaan.

Idaacadahaasi FM-yadda ah oo loogu tallo galay in guud ahaanba bulshadda ku kala nool goboladda jamhuuriyadda Somaliland in ay ka dhegaystaan Quraanka Kariimka ah, ayuu agaasime Shiine, tilmaamay in ay ka dhalatay baahi jirtay oo ay dadweynuhu aad u tebayeen.

Geesta kale agaasimaha idaacadda Radio Hargeisa waxa kaloo uu sheegay in maqnaanta idaacadaasi ay masuul ahaan ku ahayd  Warran weyn oo Wadnaha kagaga yaalay.

Arrintaasi oo uu aad sheegay agaasime Shiine inuu dareemi jiray marka uu la soo hadlo qof ama askari jooga jiidda hore ee goboladda bariga dalka.

 

DAAWO: Khudbadii Agaasimaha Radio Hargeisa:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Offie.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here