Wejiga Labaad Ee Talaalka Covid-19 Oo Ka Bilaabmaya Somaliland

0
628

Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in dhawaan dalka laga bilaabayo wareegga labaad ee talaalka xanuunka Coronavirus kaasoo daba socda wejiyadii hore ee talaalkaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in talaalkaasi loogu tallo galay in ay qaataan dadkii aan ka faa’iidaysan talaalkii hore.

Sidoo kale waxaa talaalkani ka faa’iidaysanaya dadkii hore u qaatay qaybta koowaad ee talaalkii Astra Zeneca, si ay u dhamaystirtaan wejiga labaad ee talaalkoodda.

Dr. Xergeeye, wuxuu sheegay in weli xanuunka Covid-19 uu dunidda isagoo faracyo cusub leh uu dunidda faro baas ku hayo gaar ahaana wadamadda inala jaarka ah, isla markaana uu si deg deg ah u fidayo.

Balse uu Somaliland muddooyinkan danbe aad u kooban yahay tiradda dadka laga helay xanuunkaasi, sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda caafimaadku.

Geesta kale Dr. Xergeeye, waxa uu sheegay in talaalkani cusub ee wejiga labaad ah uu dhan yahay 30,000 talaal oo ah nooca Astra Zeneca.

Waxaanu bulshadda reer Somaliland kula dar daarmay in looga baahan yahay in talaalkaasi si buuxda u isticmaalaan, gaar ahaana dadka waayeelka iyo dadka xanuunadda la nool.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here