Sidee Looga Ciiday Magaalada Hargeysa?

0
714

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guud ahaan Muslimiinta ku nool daafaha caalamka oo lagu qiyaaso 1.8 bilyan, ayaa maanta u dabaal degaya farxada maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.

Gelinka hore ee maanta ayay Muslimiintu badankood isugu tageen masaajidda, barxado iyo garoomo si ay u oogaa salaadda ciidda, ka dibna waxaa bilaabmay damaashaadka ciidda.

Meelaha sida weyn saaka looga ciiday waxaa ka mid ah magaalada Hargeysa, Saaka Aroortii, ayaa Salaadda Sunaha ee labadda ragcadood ee salaadda Ciidul Adxa laga oogay garoomadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

Markii waajibaadkaadkaasi laga soo dareeray, ayaa dadweynihii oo ku labisan qof waliba dharkiisa ugu quruxda badan oo ay wataan caruurtooda, ayaa mar kaliya ku soo dareeray suuqyadda iyo wadooyinka magaaladda, waxaana dadweynuhu isku salaamayeen Ciid mubaarak iyo Macali ciideen.

Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa, iyada oo indhahaagu ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxaha oo maanta laga oogay guud ahaanba dunida Islaamka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin kale, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, halkaas oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan shacab ahi.

Waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad uu diiradda ku saaray muhiimadda iskaashiga iyo wada-jirka bulshada reer Somaliland iyo sidii ay ugu dedaali lahaayeen inay gacmahooda wax kula soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here