Shirkii Cimilada Adduunka oo laga soo Saaray Heshiis lagu Xadeynayo Kulka Cimilada Dunida

0
1175

Paris, FRANCE (HargeisaPress) — Shirkii caalamiga ah ee is-beddelka Cimilada Dunida ayaa lagu gaaray heshiis ah in la dhimo qiiqa hawada lagu sii daayo ee keenay in cimiladu kululaato. Shirkan oo magaalada Paris ka dhacay waxaa ka qayb-galay ergooyin ka socday ku dhawaad 200 oo waddan.

 

Madaxda shirka ka qaybgalaysa ayaa muddo laba todobaad ah ka doodayay in ay isla meel dhigaan sidii dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ahba ay iska kaashadaan xakameynta qiiqa warshadaha iyo gaadiidku ay hawada kusii daayaan.

 

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in laga shaqeeyo sidii diiranaanta sii kordhaysa ee caalamka celcelis ahaan loogu heyn lahaa in ka hooseysa laba darajo cabirka kuleylka lagu cabiro, isla markaana lasii waddo dadaallada lagu hiigsanayo in heer kulka la xadeeyo iyo in la garowsado ahmiyadda dhismista halista iyo saameynta isbedelka cimiladu ay u leeyihiin dunida iyo aadanaha iyo noolaha dul jooga.

climate change Paris

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ku boorriyay waddamada Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee kulankaas ku suggan inay ansixiyaan heshiiskan qabya qoraalka ah si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah.

 

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande oo uu dalkiisu marti-gelinayay kulankan ayaa u sheegay ergada in wax ka qabashada cimilada caalamka ay tahay go’aan gacantooda ku jira.

 

Sidoo kale, madaxweynaha Mareyknaka Barack Obama oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ku sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskan oo uu ku tillmaamay mid aad u weyn.

 

Ugu dambeyn, heshiiskan ayaa wuxuu dhigaya in $100 bilyan oo doollar lagu maal-geliyo dalalka soo koraya, si ay uga qeyb qaataan wax ka qabashada is-bedelka cilimada Dunida.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here