Shirkii Bilaha Ahaa Ee Shaqaale Weyanaha Madaarka iyo Masuuliyiinta Duulista oo Maanta Qabsoomay + SAWIRRO

0
1059

Wadan walba Dadkiisa ayaa leh, Wadan walba Dadkiisa ayaa dhisa, Wadan Walba cida u shaqaysa ayaa isu xilsaarta,Wasiir Cumar Yare

HARGEISA , (HargeisaPress) —Shirkii Bilaha ahaa ee ay isku Xogwaraysan jireen Masuuliyiinta Wasaarada Duulista iyo Shaqaale Weyanaha Madaarka Cigaal International Airport ayaa saaka ka qabsoomay Hoolka dhoofayaasha ee Madaarkaasi, waxa ugu horayan halkaasi hadal ka jeediyey oo faahfaain ka  bixiyey Maamule ku Xigeenka 1aad ahna Kusimaha Maamulaha Madaarka Maxamed Xuseen Jaamac oo yidhi:-

4d647717-a869-450f-95c1-d9722418568c

“Munaasibada manta waxa ay daarantahay Shirkii Bilaha ahaa e aynu qabsan jirnay bilwalba, waxa aynu isugu nimi in aynu manta ka hadalno qodobo muhiim ah ka 1aad waa, umadu marka ay ka soo degaan Madaarka waxa ay ka cawdaan Tagaasida, iyo Xamaaliinta, oo marka qofku u yimaado wax alle waxa ay doonayaan ay waydiiyaan, xamaaliinta lacag ayeynu u qoondaynay in ay Dadka ka Qaadaan oo Shan Doolar ($5) wax  ka badan kama qaadi karaan, qolada Tagaasidana lacag ayeynu u qoondaynay ee intii loo qoondeeyay wax ka badan Dadka kama qaadikaraan.”

1558f23a-d9f9-4a8f-9125-1d1fbc6d7714 (1)

6a73e8e6-bdae-46f8-8211-44222f679787

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan ayaa isaguna tilmaamay in la gudo galoyo Wakhtigii Xagaaga ee Dadka Reer Somaliland ee dibadaha jiraa ay Dalka ku soo laaban jireen, waxana ka mid ahaa hadaladiisii:- “ waxa aynu galay wakhtigii xagaaga oo bishan 4aad marka ay dhamaato ilaa May 15 ayey inoo imanayaan Dadkii dibadaha ka iman jiray, markaa waa in aynu u diyaargarowno, oo ay inagala kulmaan soo dhaweyan aad u saraysa.”

d6e0ba10-0de3-4efa-b45a-7021861a5047

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Nuur Faahiye ayaa isaguna halkaasi ka sheegay Shaqaalaha Madaarku in ay yihiin kuwa ugu Wanaagsan Wadanka isaga oo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi:- “ waxaa aan ka soo shaqeeyay shaqooyin badan oo qaarkood habeenimo la galayey, markaa maanta waxa aan halkan ka qiryaa in Shaqaalaha Madaarku Yihiin kuwa ugu wanaagsan Shaqaalaha Wadankeena.”

6be1bfb7-697a-4196-a073-c4106d9969f9

Ugu danbayantii Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sh Maxamed Faarax ayaa Shaqaalaha kula dardaarmay in ay muujiyaan is dhex gal oo ay dadka kale iska jeclaadaan isla markaana ka dheeraadan qabyaalada, waxana uu yidhi isaga oo  arintaasi ka hadlaaya:- “ Wajigii Umada Reer Somaliland ayeynu nahay maata intiina halkaa fadhidaa, ayaa ah Dibulamaasiyiintii, Wasiiradii, Wasiir ku Xigeenadii Qaranka idinka ah, qofka halkaa ka dhoofaya ama ka soo degayaa inta halkan ka hawlgalaysa sida uu u arko ayuu ku qiimaynayaa wadanka , Wadan walba Dadkiisa ayaa leh, Wadan walba Dadkiisa ayaa dhisa, Wadan Walba cida u shaqaysa ayaa isu xilsaarta, tilmaan waxaan idiinka soo qaaday maalin hore, Xabad sigaar ah oo aan cabayey ayaan meel ku tuuray, inan yar oo Shan jir ah oo iskuul ku socota, ayaa inta ay iga daba timi ka qaaday dhulka oo meeshii xashiishka ku riday, waxa ay ka ahayad kalgacalka Wadankeeda, markaa waxaan u jeeda idinka ayaa ah wijigii Dalka Cid aynu soo kala dhawaysanaynaa ma jirto kalmada la yidhaado Reer hebel, anigu kuma jiro.”

9d9b7c2a-dde4-45cb-8746-6f5fb38695b9

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here