Maxkamadda ICJ oo Isra’iil Ku Amartay Inay Joojiso Weerarka Rafax

0
387

Hague (Hargeisa Press)- Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, ayaa ku amray Isra’il, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Isra’il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax.

Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, ayaa ka danbeeyay kaddib markii ay dowladda Koofur Afrika todobaadkii hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tidhi nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaalada, Nawaf Salaam, ayaa isaga oo akhrinayay xakunka ka soo baxay maxkamadda, ayuu sheegay in xaaladda dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza ay sii xumaanaysay tan iyo xakunkii ugu danbeeyay ee maxkamadda ee Isra’iil ku amray in ay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineyso masiibada ka jirta Gaza.

“Dowladda Israel waa in ay (….) si deg deg ah u joojiso duullaanka millateri, iyo tallaabo kale oo kasta oo ay u qaaddo gobolka Rafax, taasoo ku sababi karta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza xaalado nololeed oo ku keeni kara burbur jidheed guud ahaan iyo gaar ahaanba,” ayuu yidhi Guddoomiye Nawaf.

Inkasta oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayna laheyn awood ay ku fuliso xakunnadeeda, haddana kiiskan, ayaa calaamad weyn u noqonaya go’doominta caalamiga ah ee Isra’il ee ku aaddan dagaalka ay ku qaadday Gaza, gaar ahaan weerarka ay hadda ka waddo Rafax.

Mareykanka oo ah saaxibka ugu dhaw xulufada Isra’il ayaa hore dhowr jeer uga digay weerarka Rafax. Maamulka Biden ayaa sidoo kale hore ugu dhawaaqay inuu hakiyay shixnado hub ah oo loo daabuli lahaa Isra’il, kaas oo ay ku sababeeyeen in ay uga baqayaan in loo adeegsado rayidka Rafax.

Maxkamadda ICJ, ayaa sidoo kale ku amartay Isra’il in ay furto marinka isku xidha Rafax iyo Masar, si gargaarka bani’aadannimo loo geliyo Gaza. Ciidanka Isra’il ayaa xidhay Marinka Rafax dhawaan.

Amarka Maxkamadda, ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoore ee qaadiyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Waxaa diiday, garsoore u dhashay Ugana iyo garsoore ka soo jeeda Isra’il.

Isra’il si adag ayay uga hortimid go’aanka maxkamadda, sidoo kalena been iyo wax laga yaaq-yaaqsado ku tilmaantay eedda ay u jeedisay South Africa ee ah in Isra’il ay Gaza ka waddo xasuuq.

South Africa ayaase go’aanka maxkamadda soo dhaweysay. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Falastiiniyiinta. Xamaas oo maamusha Gaza ayaa qeyb ahaan soo dhaweysay go’aanka ICJ, balse sheegtay in qeyb ahaan dhameystirneyn, mar haddii bay yidhaahdeen ay Isra’il wali dagaal ka waddo qeybo kale oo ka mid ah Gaza.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here