Xukuumadda Somaliland oo Hakisey Furashada Goobaha Tacliinta Sare

0
1163

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa waxaa ay genius ahaanba ay joojiyeen furashada goobaha tacliinta sare ee dalka.

Waxaanay go’aan ka soo saareen in la joojiyay qabashada codsiga furashada goobaha tacliinta.

War ka soo baxay Xafiiska Guddida Tacliinta sarre ee Somaliland, oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sarre ee Somaliland, Pro. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa lagu sheegay in la hakiyay qabashada codsiyada furashada goobaha cusub ee tacliinta sare, taas oo uu sabab uga dhigey in furista goobaha cusub ee tacliinta sarre ay xad dhaaf noqdeen.

Warka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha tacliinta sarre, ayaa u dhignaa sidan:-

“Sida aad la wada socotaan waxa jirta in ay soo badanayaan codsiyada furashada goobaha cusub ee tacliinta sarre taas oo noqotay xad dhaaf.

Haddaba guddida tacliinta sarre waxa ay beryahan danbe ku gudo jireen kormeer iyo qiimayn ay ku samaynayaan goobihii hore u jiray.

Sidaasi darted guddida tacliinta sare wuxu go’aan ku gaadhay in la hakiyo qabashada codsiyada furashada goobaha cusub ee tacliinta sare, ilaa amar danbe ama inta sannadkan 2024 ka ka hadhay.

Waxa kale oo sideedaba loo joojiyay in la bixiyo liisanka goob cusub oo Online ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here