Wasiir Koore oo Kormeeray Ceelasha Biyaha Ceerigaabo

0
619

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ahna Gudoomiyaha 3aad ee xisbiga Kulmiye oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Ceerigaabo, ayaa hawl-gal kormeer iyo u kuurgalka xaaladaha biyaha ku tegay qaar kamida ceelasha biyaha ee ay ka cabaan Bulshada ku dhaqan Degmada Ceerigaabo.

Kormeerka, ayaa waxaa Wasiirka Biyaha ku wehelinayaan Wasiiradda Wasaaraddaha Hawlaha guud, Kaluumaysiga, Caafimaadka iyo Madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag

Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta ceelashaasi gacanta ku haya, kuwaasi  oo dhawaan dib u haybayn lagu Sameeyay qaar kamida kuwa kalena ay Wasaaradda Biyuha oo Kaashanaysa Haya’ddaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay qodeen.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha, ayaa ballan qaaday inay u soo kordhinayaan Ceelasha Biyaha ee ay magaaladu ka cabto iyada oo dhawaan ay Wasaaraddu ka hirgelisay degmada biyo ballaadhin dhan 16 km oo beebab ah.

Geesta kale, Wasiiradda, ayaa kulan la qaatay guddida nabad galyada Gobolka iyaga oo  shacabka kula dardaarmay inay aad u ilaaliyaan  Amiga gobolka iyo sidii ay Dadku ugu Wada noolaanlahaayeen nabad galyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here