Madaxweynaha Taiwan oo Qaabiley Wefti Ka Socda Somaliland

0
1549

Taipei (Hargeisa Press)- Madaxwaynaha dalka Taiwan Lai Ching-te, ayaa qaabiley wefti culus oo ka socday Somaliland kuwaasi oo ka qayb galay munaasibada caleema saarka Madaxweynaha Taiwan iyo sidoo kale munaasibada xuska 18 May oo dalkaasi lagu qabtay.

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, oo ka kooban xubno ka mid ah golaha Wakiillada iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Safiirka Somaliland ee Taiwan oo safar shaqo ku jooga dalkaasi, ayaa ka qayb galay munaasibada 33 guuradii ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland oo lagu qabtay dalkaasi iyo sidoo kale caleemo saarka Madaxwaynaha Taiwan Lai Ching-te.

Weftigan, ayaa kulamo la qaatay Madaxwaynaha dalka Taiwan iyo masuuliyiin kale oo ay ka wadahadleen xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii wanaajin lahaa, loogana dhigi lahaa mid midha dhal ah.

Sidoo kale, weftigan ayaa waxa ay bulshada iyo ardayda reer Somaliland ee ku nool dalka Taiwan kala qayb galeen munaasibada 33 guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada madax banaanida Somaliland oo lagu qabtay dalkaasi.

Waxaanay weftigu halkaasi kala hadleen bulshada iyaga oo ugu hambalyeeyay xuska la soo noqoshada madax banaanid Somaliland ee18 May.

Weftigan ka socda dowladda Somaliland, ayaa weli ku jira safarkooda shaqo waxaanay kulamo kala duwan la qaadanayaan masuuliyiinta dalkaasi, waxaana xooga la saarayaa sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Xidhiidhka adag ee Somaliland iyo Taiwan, ayaa waxa uu  dhisan yahay muddo afar sanno ah, waxaana labada dhinac u qabsoomay guulo la taaban karo, wefiganina waxa uu ka mid yahay xidhiidhka sii koraya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo lagu xaqiijinayo is taageerada labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here