Soomaaliya: Dawladda Federaalka Oo Beenisay In Ay Jebisay Heshiiskii Ehelu-suna

0
510

Muqdisho (Hargeisa press.com): Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii maamulka Ehelu-suna Waljameeca oo ku eedeeyay in ay ka baxday dawladu heshiisyadii ay hore u wada gaadheen.

Kadib markii shalay hogaanka ururka Ehelu-suna war ay soo saareen ku sheegeen in dawladu jebisay heshiiskii, kadib markii ay ciidamo colaad ka huriya degaamadda Galmudug gaar ahaana Dhuusamareeb ay ku soo daabushay.

Hase yeeshee, dawladda federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in aanay jebin hal qodob oo ka mida heshiiskii ay wada gaadheen Ehelu-suna, isla markaana ciidamadda ay ka cabanayeen ee la geeyay Dhuusamareeb ay ku jirtay heshiiskoodda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in aanay jirin qodobo ay kula heshiiyeen Ehelu-suna oo ay ka baxeen.

Waxaanu tilmaamay in heshiiska ay hore u wada gaadheen Ehelu-suna iyo dawladda federaalka ay si wada jir ah u wada saxeexay wasiirka arrimaha gudaha dawladda federaalka Soomaaliya iyo Sheekh Shaakir. Heshiiskaasi oo ka koobnaa toban qodob.

Wasiir Sabriye, oo faahfaahinayay qodobo ka mida heshiiskaasi, waxa uu yidhi “Waxaa ugu horeeya oo qodobka koowaad ah, si loo hello kalsooni iyo jawi xasiloon oo suurto-geliya qabashadda doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Waxaa lagama maar-maan ah in hay’adaha amniga heer federaal iyo heer dawlad goboleed ee Galmudug ay si rasmiya isaga kaashadaan sugida amniga caasimadda Dhuusamareeb, ee xarunta dawlad goboleedka Galmudug.

Qodobkaasi waa ka keenay, heshiiskaasi iyadoo laga amba-qaadayo, afar boqol oo ciidan isku dhaf ah, oo isugu jira kuwa Ehelu-suna Waljameeca iyo kuwa dawladda federaalka Soomaaliya, hala geeyo la yidhaahdo Dhuusamareeb

Qodobkaasi waa kaas, haddii aan qodobkaasi wax ka jebinay, waa la arkaa, idinku-na (warbaahinta) markhaati ayaad ka tihiin”.

Wuxuu ku dooday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in  qodobka labaad ee heshiiskaasi uu dhigayay in ciidamadda Galmudug loo sameeyo hanaanka diiwangelinta iyo xaq siinta, sida mushaharka iyo agabka kale ee ciidan.

“In ciidamadda dawlad goboleedka Galmudug loo sameeyo hanaanka diiwangelinta iyo xaq siinta. Sida mushaharka iyo agabka kale ee ciidan. Ciidankii lagu daray, lagu-na dhafay ciidanka federaalka ah, kama xaq duwana, kama agab duwana, ciidanka Ehelu-suna nooga yimid”ayuu yidhi wasiir Sabriye.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Qodobka labaad, In ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kuwa gaarka u tababaran ee Danab iyo ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka iyo ciidamadda la diiwaangeliyay ee Galmudug la isku dhafo, si ay uga wada hawl galaan degaanka Galmudug”.

Geesta kale wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay in heshiiskoodda ay ku jirtay in ciidamadda Danab iyo kuwa nabad sugida qaranka qaybo ka mida loo soo wareejiyo magaaladda Dhuusamareeb, si uga hawl galaan.

Waxaanu yidhi “In qaybta 21aad, ee  ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab iyo ciidanka nabad sugida iyo sir doonka qaranka, ay si rasmiya ugu soo wareegaan xarumaha magaaladda Dhuusamareeb”.

Dhinaca kale wasiir Sabriye,  waxa uu sharaxay hanaanka loo qorsheeyay in ay u dhacaan doorashooyinka maamulka Glamudug iyo sida uu u qeexay qodobka la xidhiidha doorashooyinka ee ku jiray heshiiskii ay hore u wada gaadheen labadda dhinac.

“Waxaa la isla gartay magaaladda Dhuusamareeb laga dhigo Gogol nabadeed, oo ay ka soo qayb galaan dhamaanba beelaha degaamadda Galmudug, iyo qaybaha bulshadda.

Sida odayaasha dhaqanka, culimadda, haweenka iyo dhalinayarrda.

Doorashooyinka dawlad goboleedka Galmudug, waxay ka dhacayaan magaallo madaxda dawlad goboleedka Galmudug ee  Dhuusamareeb”ayuu yidhi wasiir Sabriye.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here