Shirkadda SAGAL JET oo Abaalmarin Guddoonsiisay Weriye Ciise Tooni

0
1195

Hargeisa (Hargeisa Press)- Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET ayaa abaal marin lacageed guddoonsiisay weriye Ciise Toon, oo ka mid ahaa weriyeyaashii soo tebinayay tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland.

Weriye Ciise Tooni, ayaa ka hawl gala telefishanka gaarka loo leeyahay ee Horn Cable TV.


Munaasibad loo qabtay guddoonsiinta abaalmarinta weriyahaasi oo ay soo qaban qaabisay shirkadda SAGAL JET ayaa lagu qabtay Hargaysa.

Waxaana ka soo qayb galay maamulaha shirkadda SAGAL JET Cabdi Yuusuf Aar, agaasimeyaasha wasaaradaha ciyaaraha iyo warfaafinta ee Somaliland.


U jeedadda abaalmarinta weriyahaasi ayaa guddoomiyaha SAGAL JET ku tilmaamay dhiiri gelin iyo maamuus ay weriye Ciise Tooni, u garteen xarakayntii iyo sidii wanaagsanayd ee uu tartankii ciyaaraha goboladda u soo gudbiyay awgeed.


Taasoo ay si weyn bulshadu u hadal haystay, isla markaana saamayntiisa laga dareemay qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka iyo
Abaalmarinta la guddoonsiiyay weriye Ciise Tooni, ayaa isugu jirtay qadar oo dhamayd $1000 dollar, billad iyo shahaado sharaf.

Abaalmarinahaasi oo uu guddoonsiiyay maamulaha SAGAL JET Cabdi Yuusuf Aar.


Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here