Jaamacadda Admas Oo Kulan Qiimayn ah U Qabatay Arday

0
588

Hargaysa (HP): Kuliyadda ICT-ga ee jaamacadda Admas faraceedda magaaladda Hargaysa ayaa qabatay kulan lagu qiimaynayay ardaydii kaalmaha hore ka galay barnaamij.
Munaasibadaasi oo ay soo qaban qaabisay jaamacadda Admas oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay arday, hormoodka kuliyadaha jaamacadda Admas iyo aqoon yahano.


Taasoo u jeedadeedu ahayd sidii loo qiimayn lahaa shantii mashruuc ee ugu wanaagsanaa ee ay soo diyaariyeen shan arday oo ka mida ardaydii sanadkan 2020-ka ka qalin jebiyay kuliyadda ICT-ga ee jaamacadaasi.
Axmed Naasir, oo ah hormoodka kuliyadda ICT-ga jaamacadda Admas ayaa tilmaamay in barnaamijkan ay ugu tallo galeen mid ay ku dhiiri gelinayaan ardayda ka qalin jebiyay iyo kuwa barta culuumta ICT-ga.

Daawo: Warkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here