Shirkadda Daabacada Casriga Ah Ee SAGALJET Oo Xafiis Ka Furatay Magaalada Berbera + SAWIRRO

0
1181

Berbera , (HargeisaPress) —Munaasibad Balaadhan oo lagu daahfurayey shirkada xaysiisyada  iyo boodhadhka casriga ah ee sagal JET qaybteeda Berbera  ayaa lagu qabtay xarunta dhalinyarada yovenco madax kala duwan oo kasocotay Haayadaha Dawlada iyo Shirkadaha Ganacsiga Berbera .

 

Munaasiabada waxaa waxaa qayb ka ahaa dhalinyarada magaalo xeebeda Berbera oo si hab maamus leh uga soo qaybgalay xaflad furitaanka shirkada Sagal Jet iyadoo ku labisnaa Calanka Iyo astaamaha Shirkadaasi .

 

Furitaankii Quraanka Kariimka ah kadib waxaa halkaasi ka hadlay oo afkooda furtay madaxdii kazoo qaybgashay xafladaasi

 

Cabdi Yuusuf oo ku hadlayaayey afka shirkada sagal jet ayaa sheegay inuu si wayn ugu faraxsan yahay furitaanka xafiiska sagal jet waxaanu xusay inay mudo dheer ku hawlanayeen furitaanka xaruntan cusub ee shirkada Cabdi yuusuf waxaa u mahadnaqay madaxda ku dadaashay keenida shirkadan casriga ah oo ay baahi wayn uqabtay magaalada Berberi

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka

 

Waxaa ubalanqaaday inay shirkadaasi samaysanayso Qiimo Dhimis ,Soo dhawayn ,iyo adeegyo Tayo leh kuwaasi oo uu sheegay ina dhamaantooda ay diyaar ku yihiin xafiiskan cusub ee Berbera laga furay

 

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed X.Yuusuf  oo kamid ah Saamilayda Shirkadaasi ayaa Isaguna Balanqaaday inay shirkadaasi boqolkiiba sondon ay qiimo dhism usamaynayso shacabka magaalada berbera bishan ugu horaysa ee aynu Ku Jirno Xildhibaanku waxaa kale uu sheegay inay shirkadani shaqo abuur kusoo kordhisay magaalada Berbera taasi oo ay ka shaqayndoonan sida uu sheegay dhalinyarada magaalada Berbera

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka waramay marxaladihii kala duwan ay usoo mareen shirkadaasi inay timaado magaalada Berbera isagoo balanqaaday shirkad ahaan inay qiimo macquul ah ay ku keeni doonaan dhamaan alaabooyinka kala duwan ee la xidhiidh munaasibad 18 May iyo sidoo kale qalabka kala duwan ee la xidhiidha daabacada xaysiisyada iyo boodhadhka guryaha iyo Gaadiidka Cabir Kasta Iyo Cadad kastaba

 

Gudoomiyaha Golaha Deeganka Berbera Cabdi Shakuur Maxamed Xasan Iyo Sidoo Kale Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa kamid ahaa madaxdii munaasibadaasi ka hadashay waxayna masuuliyiintu si wada jir ah usoo dhaweeyeaan Shirkadan casriga ah ee sagal jet waxay ka warameen baahida ay magaaladu uqabtay marka la eego Dhinaca masaafada loo doonan jiray adeegan casriga ah

 

Agaasimaha Guud Ee Diinta Iyo Waqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid Cali ayaa Sheegay inay shirkadani kamid tahay shirkadah ugu casrisan dalka uguna wanaagsan dhinaca wax daabicida taasina ay keenayso inay shacabku aaminaan waxaanu balanqaadanaynaa Inaanu la shaqaydoono shirkadaasi.

 

Wasiir Kuxigeenka Warshadaha Somaliland Cali Dhagoole isaguna gababadii ka hadlay munaasibadaasi ayaa carabka ku dhuftay qiimaha ay shirkadu leedahay isagoo shacabka berberana ku booriyey inay ka faaidaystaan adeegan cusub ee gurigooda ugu yimi soo dhawayaan waxaana xusay inay shirkadani kamid tahay shirkadaha ugu wanaagsane dhinaca daabacaada

 

Dhalinyaro waayeel iyo waxgarad dhamaan Halkaasi Ka Hadlay ayaa Si siyad sami ah usoo dhaweeyey Furitaanka shirkada daacada boodhadhka iyo xaysiisyada ee Sagaljet

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here