Dhagaysiga Dacwadda Gaadhigii Lagu Qabtay Khamriga Ee Uu Lahaa Agaasimaha Diinta Iyo Awqaafta Somliland Oo Ka Bilaabmatay Magaalada Berbera

0
768

Berbera , (HargeisaPress) —Dhagaysiga dacwadda gaadhi lagu qabtay tiro badan oo khamriya  isla markaaana gadhiga uu lahaa agaasimaha diinta iyo awqaafta somalilanda ayaa ka bilaabmatay maxkamadda gobolka Saaxil.

 

Waxana sida naloo sheegay dhagaysiga dacwada laga so xaadiriyay darawalkii waday gadhig oo kaliya halka aanu kasoo xaadirin agaasimaha diinta iyo awqaafta somalilnd ee gaadhigan khamriga lagu qabtay laha.

 

Dhagaysiga dacwad gadhiga aya wali ka socota maxkamad gobolka saaxil iyada oo aan wali la xukumin go’aana aanay ka gaadhin wali maxkamadu.

 

Sheekh Saleebaan oo ah mulkiilaha gaadhigan khamriga lagu qabtay  ayaan isagu imaan dhagaysiga dacwada isaga oo wakhti xaadirkana sida naloo sheegay ku sugan magalada berbera.

 

Darawalkii waday gadhiga aya isagu ku xidhan saldhig dhexe ee magalada berbera.

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in gudoomiyaha maxkamadu ee kiiskan gacanta ku haya uu amray inuu dhagaysiga dacwada kasoo xaadiro sheikh Saleebaan oo ah mulkilaha gadhiga.

 

Waxii warara ee danbe kala soco Shabakadda HargeisaPress……

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here