Shirkada markii 3aad Ku Guulaysatay Timirtii Ciidanka Iyo Xaqulqalinka uu Qaatay Gudoomiye Nuux Maxamed Xuseen

0
964

Hargeysa,(HargeisaPress) —Maalintii Shalay Gudida Qandaraasyada Qaranka Waxaa Ay Shaaciyeen Sida loogu Kala Guulaystay Tartanka Timirta oo Dhowrkii Biloodba La Siiyo Ciidamada Qaranka Somaliland Kaasi oo Shacabka Loo Bandhigo Si Ay ugu Tartamaan.

Tartanka Waxaa ka Qayb Galay 8 Shirkadood Waxaana Aakhirkii Iskugu Soo hadhay Laba Shirkadood oo Mid ka mid Ahi Ay Laba jeer oo Hore lagu Sheegay inay ku guulaysatay Kuwaasi oo Kala Ahaa SAAB Iyo KAARSHE Store Waxaana Arintaasi Ka Sheegay Telefishanka Qaranka  Gudoomiyaha gudida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

Gudoomiyaha Gudidaas Wuxuu Sheegay Inay Tartanka Ku guulaysatay Shirkad Samays Ah oo Ay Jeebka ku Siteen Gudoomiyaha Shirkada Daabacaada Ee SAGALJET Cabdi Yuusuf Aar  Taasi oo lagu Magcaabo KAARSHE STORE Waxaana Ay Markii Sadexaad Xantoobsatay Xoolahii Shacabka ee Loo Tartami Lahaa iyadoo Shirkadii La Tartamaysay ee SAAB Toos Loogu Diiday .

Gudida Qandaraasyada Ayaa Soo bandhigay In Labada Shirkadood Loo Kala Qaybiyo Mashruuca Maadaama Ay Shirkada Kaarshe Markii 3aad Doonayso Qorshahan inay Ku Qaxwayso Xili Shirkadani Saab Ay tahay Markii ugu Horaysay ee Ay tartanka ka Qaybgashay

Qodobka Koobaad Ee Qandaraaskani Waa Qiimaha Iibka Balse Cidkasta Oo Shirkada Kaarshe COMPANY La Tartanta Waa Humaag Waraabe U Taag Ah.

Dhinaca kale  Hadalada Warbaahinta uu Marinaayo Gudoomiyaha gudida Qandaraasyada Qaranku  Nuux Maxamed Xuseen Maaha Wax Xaqiiqda u Dhow Waxaana Si rasmi ah Gudida Qandaraasyada loo Siiyay 60 Kun oo Dolar oo Xaqulqalin Ah

Shirkada Kaarshe Waxaa Wada Leh 14 Qowlaysato Waxana Cover U Ah Nin Garxejis Ah Oo Ay Qaraabo Yihiin Abdi Yusuf Aar Waxaana Ay noqonaysaa markii 3aad ee ay Qaataan mashruucan oo Timirta bilaash lagaga Soo Qaato Dalka Sucuudiga Oo Ramadaanta Bilaash u bixiya Dhamaanba Afurka Wadamada islaamka Iyo Wixii u Doonta Waxaana Ay Teneg Kasta oo Timir ah Ka Siin Doonaan Xukuumada Somaliland 16 Dollar.

Cabdi Yuusuf Aar Mulkiilaha Shirkada SAGALJET Waxaa uu Ahaa Xubintii Ay u kootaysnayd Qandaraaskii Daabacaada Istiikarada,Boodhadhka Iyo calamaanta Xisbiga kulmiye Xiligii uu ololaha ku jiray Madaxweynaha Waqtigan muuse Biixi cabdi Waana Xubin Firfircoon oo Ka Qowlaysta Mashaariicda leexsan ee Bulshada Loogu Talo Galay inay Si Siman Ugu tartanto.

Cabdi Yuusuf Aar Waxaa uu Xiligan Qorshaynayaa inuu Qaato Qandaraaska Calamaanta iyo Istiikarada Xuska Munaasibada 18ka May Kaasi oo loo baahna in Loo tartamo isla Markaana La Mariyo gudida Qandaraasyada Qaranka.

Warqadda Hore Waa Shirkadihii Sanadkii Hore Tartamay Ee ay Shirkada Ay ku Midaysan Yihiin 14ka xubnood ee uu Atooraha u yahay Cabdi yuusuf Aar.

 

 

Warqadani Waa Tartankii Ugu Danbeeyey ee Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada oo ka Cabsanaya inuu Cabdi yuusuf Aar Xilka ka Qaado Ugu Xagliyay Shirkada KAARSHE ee Ay bahwadaagta ku yihiin .

Muuqaalkani Waa Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Afkiisa ka Sheegaya In Tartankan Ay ku guulaysatay Shirkada SAAB Co, Balse Uu Si Cad u Siiyay Shirkada Cabdi Yuusuf Aar Iyo Kooxdiisa Ku Mamtay Intii Muuse Biixi Xilka Hayay Timirta Afurka Ramadaanta ee Laga Soo Qaado Dalka Sucuudiga

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here