Somaliland: Warbixin si Xooggan Uga Dayrisay Duruufaha Haysta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

0
875

Xaddiga lacag dayn ah oo lagu leeyahay cusbitaalka Hargeysa + Dumar lagu hayo qaybta Dhimirka Cusbitaalka guud oo carruur ku dhex dhalay + biyo la’aan iyo musqulihii oo xidhmay

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray warbixin si xooggan uga dayrisar xaaladda iyo duruuhaha haysta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kaasoo ay maamulkiisa Dowladda Somaliland gacanta ku hayso.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Axmed Daahir Jirde oo fadhigii Golaha ee shalay ka jeediyey warbixin ay ka diyaariyeen kormeer ay ku tegeen Cusbitaalka Hargeysa iyo xog-waran ay la yeesheen Agaasimaha Cusub ee Cusbitaalka Guud Dr. Yaasiin Carab.

“Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa waxa uu noo sheegay in lagu wareejiyey dayn xaddigeedu dhan yahay $135 kun oo doollar oo laydh ah iyo $288 kun oo doollar oo dawooyin ah oo lagu leeyahay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtidu.

Xildhibaan Axmed Daahir Jirde

Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, ayaa sheegay in qaybta cusub ee gargaarka degdega ah ee cusbitaalka guud laga dhisay sannadkii 2017 ay hadda qarka u saaran tahay inay gabi ahaanba dunto, kadib markii dil-dillaac xooggan ku yimid dhismihiisa, qaybtaas oo ka kooban afartan (40) sariidood iyo shan qol oo loogu talogalay in dadka loogu sameeyo gargaarka degdega ah.

Geesta kale, waxa uu tilmaamay in qaybta dhalmada ee cusbitaalka Hargeysa ay aad ugu yartahay dumarka ku umula, isagoo soo jeediyey in haddii dhisme cusub laga bilaabo qaybtaas laga dhigo ugu yaraan dhisme saddex dabaq ah, si ay u daboolaan baahiyaha dumarka laga umulinayo.

“Dadka ku dhala Qaybta dhalmada (umulaha) ee Cusbitaalka Guud waa dadka dan-yarta ah, iyadoo tiro-koob aannu ka soo qaadnay saddex-biloodkii u dambeeyey ee sannadkan 2019, waxa ku muujisan in bishii January ay si caadi ah ugu umuleen dumar tiroodu dhan tahay 345 hooyooyin ah, halka 88 dumar ahna loo sameeyey qalliin. Bishii February waxa si caadi ah ugu umulay 326 dumar ah, waxaanna qalliin loo sameeyey 68 hooyooyin ah. Bishii March, waxa Cusbitaalka guud si caadi ah ugu umulay 402 dumar ah, waxaanna qalliin lagaga umuliyey 98 dumar ah, halkaas ayaanad ka garan kartaa heerka umulaha cusbitaalka Hargeysa,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale iftiimiyey in biyo la’aan xooggan haysato Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana ay suuliyada ama musqulaha cusbitaalku intooda badan xidhan yihiin ama ay dumeenba, taasoo waxyeelo ku ah fayo-dhawrka iyo nafaadda guud. Waxa kaloo uu xusay in shaqaale tiroodu dhan tahay 870 qof ay ka hawlgalaan Cusbitaalka Hargeysa, kuwaasoo  380 qof oo shaqaalahaas ka mid ah ay mushahar qaataan.

Dhinaca kale, waxa uu ka warbixiyey xaaladda qaybta dhimirka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo uu xusay in la dhisay sannadkii 1975-kii, iyadoo mar kale dib-u-habayn lagu sameeyey sannadkii 1996 iyo 2014-kii, waxaannu yidhi; “Waxa hadda ku jira Dhakhtarka Dhimirka 45 qof oo rag ah iyo 25 haween ah, qaybta Dumarkana waxa ka muuqata dayacaad iyo liidasho aad iyo aad ah, waxaanna ku jira dumar uur leh iyo dumar dhalay sida ay dhakhaatiirtu noo sheegeen, waxay dhibaato naga haysataa ayey yidhaahdeen; ‘ilmihii ay dhaleen ayaannu ka ilaalinaa, maadaama uu qofku (hooyadu) tahay mid aan xus ahaan dhammaysirnayn.’ Baahi badan ayaana cusbitaalka ka muuqata.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here