Shir-weynaha Ururka Qarreennadda Somaliland Oo La Mudeeyay

0
417

Hargaysa (Hargeisa Press): Shir-weynaha shanaad ee ururka qarreennadda Somaliland ayaa loo mudeeyay inuu magaaladda Hargaysa ka qabsoomo 10-ka bisha soo socota ee March.

Waxaana shir-weynahaasi lagu dooran doonaa guddoomiyaha cusub ee  ururka qarreennadda Somaliland hogaamin doona sanadaha soo socda.

Iyadoo qabsoomidda shirkaasi loo magacaabay guddii qaban qaabo oo ka shaqaysa sidii shirkaasi u dhici lahaa.

Sidaasina waxaa shaaciyay guddoomiyihii hore ee ururka qarreennadda Somaliland iyo xubnaha guddiga qaban qaabadda shirkaasi oo maanta warbaahinta wada jir ula hadlay.

Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo), guddoomiyaha xilka ka sii degaya ee ururka qarreennadda Somaliland ayaa sheegay inuu xilkii guddoomiyennimo ee ururkaasi si rasmi ah isaga casilay, isla markaana uu xilka ku wareejiyay guddiga qaban qaabadda shir-weynaha.

Maadaama oo uu yahay murashax u taagan doorashadda golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex, sida uu sheegay Timo.

Geesta kale, Muuse Yuusuf Maxamed,   guddoomiyaha guddiga qaban qaabada qabsoomidda shirka ururka qarreennadda Somaliland ayaa isna ugu  baaqay dhamaanba qarreenadda ee  ku kala sugan  goboladda dalka in ay shirkaasi ka soo qayb galaan.

 

Hargeisa Pressc.om/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here