SOLJA oo Warbaahinta U Soo Jeedisay Inay Ka Fogaadaan Dhacdooyinka Ciidamada

0
482

Hargeisa (Hargeisa Press): Ururka suxufitiinta Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLJA ayaa uga digay suxufiyiinta dalka ka hawl gala tebinta dhacdooyinka aan xaqiiqda iyo sugnaanta lahayn gaar ahaana arrimaha ciidamadda.

Waxaana la faray suxufiyiinta in ay  masuuliyad ku saleeyaan, isla markaana ka fogaadaan wararka aan xaqiiqadda ahayn ee  la xidhiidha arrimaha ciidamadda .

Sida uu dhigayo xeerka Saxaafada Somaliland xeer no.27/2004, kaasoo reebaya baahinta wararka la xidhiidha arrimaha ciidanka qaranka ee sugnaashiyahooda mad-madawgu ku jiro.

Taasoo saamayn ku keeni karta amniga dalka, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, oo maanta warbaahinta loo kala diray.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here