“Haddii Afku xumaado Gacantuna way timaadaa luuqadaheena aynu hagaajino”…

0
465

Hargaysa (Hargeisa Press): Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye  Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka jawaabay dhaliillo uu guddoomiyaha xisbiga UCID u jeediyay xukuumadda, goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda.

Hadalka guddoomiyaha UCID ayaa la xidhiidhay dhaliilo uu maalmahan u jeedinayay goleyaasha sharci dejinta iyo xukuumadda taladda haysa, kuwaasi oo ku saabsanaa doorkoodda arrimaha doorashooyinka.

Axmed Cabdi Dheere, ayaa ku tilmaamay eedaha Faysal Cali Waraabe, kuwo dhaawac u gaysan kara qabsoomidda arrimaha doorashooyinka iyo heshiisyadii arrinataasi ka gaadheen xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah.

Wuxuu sheegay in muddooyinkan danbe ay meel fiican marayeen heshiisyadda la isku waafaqay ee la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka, hase yeeshee hadaladda maalmahan uu Faysal Cali Wareebe, ku tiraabay ay caqabad ku noqonayaan arrintaasi.

Waxaanu yidhi, “Waxaan la hadlayanaa guddoomiye Faysal oo aan si wanaasgan  iskugu soo dhawaanay, oo aanu ku tashanay sidii wadankeena horumar u gaadhi lahaa, ee ay doorashadu si wanaagsan inoogu dhici lahayd, iyadoo aynu og nahay waxa inagu wareegsan”.

Axmed Cabdi Dheere, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad xisbiga Kulmiye ku shaacinayay laba murashax oo u kala tartamaya goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda doorashooyinka soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Kulmiye oo fariin u dirayay guddoomiyaha UCID waxa uu yidhi, “Waxaan si gaara ula hadlayaa Faysal Cali Waraabe, oo maalmihii u danbeeyay ka dhamaan waayay golaha Guurtida, Wakiiladda iyo xukuumadda, saddexdaas uun ka dhamaan la’a.

Haddii Afku xumaado, Gacantuna way timaadaa. Anagu waxaanu jecel nahay, oo aan Faysal halkan uga jeedinayaa, waa dar-daaran. Waxaanay u baahan nahay in ay doorasho inoo dhacdo, luuqadaheena aynu kau hadlayno aynu hagaajino.

Baarlamaankii horena yaynaan waxba odhanin, madaxweynihii aynu shalay amaanaynayna  yaynaan caayin.Faysal, waxaan leeyahay shalay waadigii sidan lahaa, maantana waadiga sidan leh”.

“Xalayna wuxuu lahaa Guurti ma jirto, baarlamaan ma jirro, dawladi ma jirto. Doorasho sidaa inoogu dhici mayso Faysaloow. Waxaanan odhan lahaa hadalkaaga dib u dhigo intay doorasho inoo dhacayso” ayuu yidhi Axmed Cabdi Dheere.

Hargeisa Pressc.om/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here