Shir Ku Saabsan Is Waafajinta Xeerarka Deegaanka Somaliland iyo Kuwa UN-ka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
676

Hargaysa (HargeisaPress)– Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somqliland ayaa maanta soo geba gabaysay aqoon is waydaarsi la xidhiidhay sidii la isku waafajin lahaa xeerarka iyo shuruucda lagu maamulo deegaanka.


Aqoon is waydaarsigaasi waxaa ka qayb galay xubno ka socday wasaarradaha iyo haayadaha dawlada ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Kulankaasi ayaa lagu lafo-guray sidii ay wada shaqayn u yeelan lahaaueen, isla markaana u yeelan lahaayeen xidhiidh wada shaqayneed.
Waxaana kulankaasi agaasinkiisa ka qayb qaadatay haayada UNDP oo ka mida haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaraadda deegaanka.


Sidoo kale u jeedadda kulankaasi ayaa ahayd sidii la isku waafajin lahaa xeerarka iyo shuruucda qaramada midoobay iyo kuwa Somaliland ee ilaalinta deegaanka.
Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka kulankaasi.
Geesta kale wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo aqoon is-waydaarsigaasi soo xidhay ayaa sharaxaad ka bixisay u jeedadda kulankaasi iyo waxyaabihii lagu falan qeeyay.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here