Wasaaradda Deegaanka Oo Ka Hadashay Wiil Sawir Ku Galay Buur Halis Badan

0
1225

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ka hadashay Wiil dhalinyaro ah oo naftiisa khatar geliyay.
Kadib markii Wiilkaasi uu sawir ku soo galay geed ka lusha Jar dheer oo ku yaalla buurta Daallo ee gobolka Sanaag.
Sawirka uu Wiilkan dhalinyaradda ah oo todobaadkan si weyn la iskula dhex wareegayay baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka ayay dad weynuhu intooda badan ku tilmaamayeen in uu naftiisa halis geliyay.


Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo maanta warbaahinta kula hadashay xafiiskeedda ayaa wax aad looga naxo ku tilmaantay ficilka uu wiilkaasi ku kacay.

Daawo: Wasiirka Oo Arrimahaas ka Hadlaysa:

Hargeisa Presa.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here