Shir Beeleed Khatar Ku Ah Somaliland Oo Laga Iclaamiyey Deegaanka Widh Widh ,Garaad Bedel U Noqon Doona Garaad Abshir Oo Lagu Dooranayo Iyo Doorka Cali Khaliif Ku Leeyahay

0
1231

Burco, (HargeisaPress) —Shir Beeleed Khatar Ku Ah Somaliland Oo Laga Iclaamiyey Deegaanka Widh Widh ,Garaad Bedel U Noqon Doona Garaad Abshir Oo Lagu Dooranayo Iyo Doorka Cali Khaliif Ku Leeyahay

Shir Midabo Badan Leh Oo Diiraddu Hayso Iyo Ubucdda Qodobo Ku Lamaan Caano Shubka Garaadka Cusub Oo Tunka Loo Saarayo

Shir Daaha dabadiisa ay ka hagayaan Hogaamiyaha jabhada Khaatumo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa layskugu keenay Haldoorka iyo odayaasha gacanta ku haya Talada beesha Cali Barkad oo ka tirsan Guuled Garaan oo uu Garaad u ahaa Garaad Abshir Maxamed Saalax oo dhawaan Geeryooday waxaana isla mantaana suurta Gashay in ay iskugu yimaadaan Shir balaadhan oo ka dhacay deegaanka Widhi Widh

U jeedada guud ee shirkan laga leeyahayna ay tahay sidii lagu dooran lahaa Garaadkii Bedeli lahaa Garaad Abshir sida qorshuhu yahayna Garaadkan uu yahay mid ka socda dhanka Dowlada somaliya iyo maamulka Khaatumo oo carqaladayn ka bilaaba deegaanada Bariga ee Somaliland

Kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhex maray Madaxweynaha maamulka Xamar iyo hogaamiye Jabhadeedka Cali Khaliif Galaydh waxay isku af-garteen in Garaadka bedelaya Garaad Abshir uu yahay mid danahooda fuliya isla markaana ka socda dhanka Maamulka Khaatumo si uu uga qayb qaato hawlaha carqaladaynta nabad galyo ee ay wadaan Xasan Sheekh iyo Cali Khaliif Galaydh

Odayaashan shirka iskugu yimi ayaa go’aamiyey in Caleema saarka Garaadku ka dhaco deegaanka Widh Widhi oo ay sheegeen in uu yahay mid ay ka fuli karto Siyaasadda ay wadaan Cali Khaliif iyo Xasan sheekh odayaasha shirka deegaanka Widh Widh ku qabtay ayaa waxa ka mid ahaa Ninkii ku caano shubay Garaad Abshir Alle ha u naxariistee waxaana isaga oo madasha ka hadlay uu yidhi

“waxaan idinka cod sanayaa in geedkii aan Abshir Maxamed Saalax Illaahay naxariistii jano ha siiyee aan Caanaha kaga shubay maantana in uu kii noqdo Baan idinka codsanayaa inaga oo wax dhibaato ah jirin wax u jeedo kale ahna aan jirin danteena gaar ka ah halkaas aynu ku meel marino” Ayuu Yidhi Odaygii ku caano shubay Garaad Abshir

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey qaar ka mid ah odayaasha Beesha Cali Barkad gaar ahaana haldoorka beesha Garaad Abshir u talin jiray ayaa waxay yidhaahdeen

” Beeshu waxay go’aan ku gaadhay iyaga oo u garsooraya masaafooyinka Ergooyinka Guuleed Garaad ee imanaya ama dadka la marti galin doono in magaalo Madaxda widh widhi oo beesha u ah Guuleed Garaad in lagu soo xaadiriyo shirkuna uu ahaado mid halkan ka dhaca” ayey yidhaahdeen odayaasho

Dhinaca Shirkan hadii uu ka qabsoomo deegaanka Widh Widh laguna doorto Garaadka ay soo calmadeen Cali Khaliif Iyo Xasan Sheekh waxa suurta gal ah in uu khal -khal galiyo Nabada galyada Gobolada Sool Buuhoodle iyo Taleex oo Somaliland ka tirsan lamana garan karo sida ay xukuumada Somaliland uga gaashaman doonto .

hargeisa press

burco office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here