Shil Gaadhi oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Gabiley

0
706

Gabiley (Hargeisapress)- Ugu yaraan Hal Qof ayaa ku dhintay, halka Sagaal kalena ay ku dhaawacmeen Shil Baabuur oo ka dhacay Tuulada Xuunshaley oo ka tirsan Gobolka Gabile

Shilkan gaadhi ayaa ka dhashay kadib
markii ay Laba Gaadhi oo kala Noah iyo Vitz ay isku dhaceen, waxaanay ku sii jeedeen Magaalada Boorama.

Waxaa dhaawacii fududaa la gaadhsiiyay Cisbitaalka magaalada Gabiley, Halka dhaawacii cuslaa loola cararay Magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Dabdemiska ee Gobolka Gabiley ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Laba Qof xaaladoodu aad u culustay.

Hargeisa Press Desk/ Gabiley. Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here