Shil Gaadhi oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Turkiga

0
798

Ankara (Hargeisa Press) – Ugu yaraan 12 qof, ayaa ku geeriyooday, 26 kalena waa ku dhaawacmeen, kaddib markii uu gaadhi bas ahaa oo ay la socdeen muhaajiriin u kala dhashay dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Bangladesh uu shil ku galay bariga dalka Turkiga subixii hore ee saaka, sida ay sheegeen maamulka deegaankaas.

Shilka, ayaa ka dhacay degmada Muradiye ee gobolka Van oo u dhaw xadka Turkigu uu la wadaago Iran, halkaas oo uu dab ku qabsaday gaadhigan kaddib markii uu ku dhacay god biyo-mareen ah. Milkiilihii baskan ayaa la xidhay.

Turkiga, ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha doonaya inay u sii gudbaan Yurub.

Muhaajiriinta oo badankood ka yimid Iran, Afghanistan iyo Pakistan, waxay si joogto ah uga gudbaan xadka Iran ee dhanka Turkiga iyaga oo lugeynaya kahor inta aan loo qaadin dhanka galbeed ee magaalooyinka sida Istanbul iyo Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here