Gollaha Guurtida oo Xukuumadda Ugu Baaqday Maalgelinta Wershada Sibidhka Berbera

0
1291

Hargeisa (Hargeisa Press) – Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa ay xukuumadda iyo ganacsatada dalka u soo jeediyay in la kiciyo wershada Sibidhka ee Berbera taasi oo xidhan muddo soddon sanno ah.

Guddoomiyaha gollaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Maalgelinta Warshada Sibidhka ee Berbera ay muhiim tahay in la howl-galiyo.

Xildhibaanadda aqalka Guurtida, ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay si degdeg ah u maalgashadaan wershada ama ay xukuumaddu ku wareejiso shirkaddo shisheeye oo maalgelin ku sameeya si loo hawlgeliyo.

Geesta kale, mudanayaasha gollaha Guurtida, ayaa shirkadda ka codsaday in loo yeedho wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo qaranka ugu masuul isha dhaqaale ee dalka ugu weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here