Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/shakuur oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Kismaayo

0
802

Kismaayo (Hargeisa Press)- Wafdiyo heer sare ah oo ay kala hogaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaadhay magaalada Kismaayo.

Waxaa horreeyey safarka Xasan Sheekh oo uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Saacad kadib ayaa waxaa magaalada Kismaayo gaadhay wafdi labaad oo uu hoggaaminayey madaxweynehii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran.

Waxaa sidoo kale safarka ku wehliyey guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale saaka gaadhay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana hore ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhacaysa magaalada Kismaayo.

Safarrada xubnahan ayaa imanaya iyadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo.

 

Hargeisa Press Desk/Kismaayo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here