Maxkamada Sare Somaliland oo Soo Saartay Amar Lagu Burinayo Go’aan Ay Maxkamada Rafcaanku Shaqada Kaga Joojisay Qareeno

0
1116

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xubno Ka mida Gudida Garsoorka Maxkamada Sare ee Somaliland oo uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa soo saaray amar lagu burinayo amarkii maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex ay hore shaqada ugaga joojisay xubno ka mida ururka Qareenada Somaliland.

Go’aankan ay Maxkamada sare ee Somaliland ay ku burinayso amarkaasi ay maxkamada Rafcaanku shaqada kaga Joojisay xubnaha Qareenada ah ayaa ka Danbeeyay kadib markii is afgarad lagu dhameeyey khilaaf dhinaca shaqada ah oo u dhexeeyay bahda garooska iyo Qareenada Somaliland.

Hoos ka akhriso amarka Maxkamada Sare ee Somaliland

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here