Sheekh Shariif oo Ka Hadlay Xaalada Soomaaliya iyo Heshiiskii Doorashada

0
773

Muqdisho (Hargeisa Press) – Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay xaalada guud ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhawaan lagu gaadhay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay munaasibad lagu sagootinayay madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya, ayaa u mahadceliyay shanta madaxweyne goboleed kaalintii ay ka qaateen in heshiis buuxa laga gaadho arrimahii hortaagnaa doorashoyinka Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelinaya cid kasta oo ka hortagtay in Soomaaliya uu galo dagaal sokeeye, sida ciidamada qalabka sida madaxda dowlad goboleedyada, oo kaalin wanaagsan ka qaatay in laga hortago inuu dalka galo dagaalo sokeeye” ayuu yidhi Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu Sheekh Shariif intaa ku daray hadalkiisa in shacabka Soomaaliya ay yihiin kuwa u bisil hanaanka dowladnimo, islamarkaana ay diyaar u yihiin in doorasho ka dhacda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here