Madaxweynaha Somaliland iyo Ergadii Nabadaynta Gobolka Sanaag oo Is Af-garad Buuxa Ka Gaadhay Arrintii Gobolka Sanaag+ SAWIRRO

0
540

Hargeysa-(HargeisaPress)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ayaa maanta is Af-garad buuxa ka gaadhay soo af-jaridda arrintii buuraleyda waqooyi ee gobolka sanaag muddada ka taagnayd.

Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo  ciidamada ku sugan halkaas  ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta,  ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu  madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here