Sawirro: Sida Looga Ciiday Magaalada Hargeysa

0
1018
Salaadda Ciidda Hargeysa

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maanta oo Isniin ah, ayaa noqotay Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga oo dhamaan dunida oo idil Muslimiintu ay ugu dabaal degayaan Farxada Munaasabadda Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Muslimiinta, ayaa shalay soo gabagabeeyay bisha barakeysneyd ee Ramadaanka oo ay ka soo soomeen mudo 30 maalmood ah, waxaana maanta ay u dabagaal dagayaan farxada dhameystirka waajibaadka Alle.

Guud ahaan goboladda iyo Degmooyinka Somaliland, ayaa si weyn saaka looga ciiday, Ciidul-fidriga oo caalamka islaamka oo dhan laga ciidayay.

Saaka Aroortii, ayaa Salaadda Sunaha ee labadda ragcadood ee salaadda Ciidda laga oogay garoomadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.

Markii waajibaadkaadkaasi laga soo dareeray, ayaa dadweynihii oo ku labisan qof waliba dharkiisa ugu quruxda badan oo ay wataan caruurtooda ayaa mar kaliya ku soo dareeray suuqyadda iyo wadooyinka magaaladda, waxaana dadweynuhu isku salaamayeen Ciid mubaarak iyo Macali ciideen.

Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa, iyada oo indhahaagu ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna kumannaan ka mid ah shacabka caasimadda Hargeysa kula tukaday masaajidka Ibraahim Dheere ee magaalada Hargeysa.

Ciidan, ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa iyadoo uu suuqii weynaa ee magaalada Hargeysa ee Waaheen ee dhowaan gubtay uu saamayn ku yeeshay magaalada Hargeysa, gaar ahaana bacadlayaasha iyo dharkii ciida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here