Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Rabshadihii Addis Ababa

0
1227

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Booliiska dalka Itoobiya, ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad maanta magaalada Addis Ababa isugu soo baxay salaadda Ciidul Fidriga, sida ay arkeen weriyeyaasha wakaalada wararaka ee AFP.

Dhacdadan, ayaa ka dhacday bannaanka garoonka caalamiga ah ee bartamaha caasimadda Addis Ababa, halkaas oo lagu waday in lagu tukado salaadda Ciidul Fidriga ee dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan.

Way awoodi waayeen inay galaan, sababtoo ah garoonka oo buuxa, qaar ka mid ah dadka cibaadaysanaya ayaa bilaabay inay ku tukadaan bannaanka, fagaaraha Meskel.

Xubin ka tirsan golaha sare ee arrimaha Islaamka ee Addis Ababa, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in sababta iska horimaadku aanay caddayn.

Nin booliis ah, ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dadkii isku soo baxay balse “waxay ahayd mid aan ula kac ahayn,” ayuu yidhi sarkaalku isagoo soo xiganaya mutadawiciin goobta joogay.

“Ninkii booliiska ahaa waxaa meesha ka saaray niman kale oo booliis ah, balse dadku aad ayay uga naxeen, qaarkoodna waxay billaabeen inay ku dhawaaqayaan erayo… xaaladdu waxay noqotay mid aan la xakamayn karin.”

Booliiska Addis Ababa, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in rabshado ay geysteen dad kooban oo sababay khasaare hantiyeed, balse hadda la soo celiyay nidaamka.

“Boolisku waxay ugu baaqayaan bulshada inay isdejiyaan,” ayay tidhi, iyadoo intaas ku dartay inay dib u sheegi doonaan shacabka sababta keentay qaska.

Saxafiyiinta AFP ayaa sheegay in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay dhagxaan ku tuureen booliiska, iyagoo ku qeylinayay “Cadaalad ayaa u taal Gondar” iyo “Ha gubin masaajidayada, ha dilina dadkeena.”

Ugu yaraan 20 qof, ayaa lagu dilay bishii hore magaalada Gondar, oo ku taal gobolka waqooyi-galbeed ee Axmaarada, markii Muslimiinta ay weerareen “Masiixiyiin xag-jir ah oo aad u hubeysan,” koox Islaami ah ayaa sheegtay.

Dibad-baxayaasha, ayaa sidoo kale burburiyay muraayadaha madxafka qaranka ee fagaaraha Meskel ka hor inta ayna xasillooni soo celin, sida ay sheegeen saxafiyiinta AFP.

Mas’uulkan Islaamiga ah ee Addis Ababa ka tirsan, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in salaadda Ciidul-Fidriga laga tukan jiray magaalada Addis Ababa sannad walba tan iyo markii uu dhammaaday nidaamkii militariga Dergiga sannadkii 1991-kii.

“Waa markii ugu horreysay oo ay dhacdo dhacdo noocan oo kale ah,” ayuu yidhi sarkaalka oo intaas ku daray in muslimiinta ka qaybgalaya salaada ciida ayna hubaysnayn, iyadoo qof walba ay booliisku baadhayeen ka hor inta ayna goobta gelin.

“Muslimiintu waxay rabaan in ciidan ay nabad ku tukadaan,” ayuu yidhi sarkaalku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here