Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Go,Aanka Guddida Diiwaangalinta Kuna Tilmaamay Talaabo Guul U Horseedi Karta Xisbiga Ucid.

0
1196
Mohamed Gacayte. Photo File

Marka hore Waxaan Soo Dhowaynaynaa Go,aanka Guddida Diiwaangalintu Kasoo Saartay Dacwada u dhaxaysay Xisbiga Ucid gudihiisa, dacwadaas oo qaadatay mudo ka badan 3 bilood. Go,aankani waa mid fursad siin karta Guul Xisbiga Ucid ku gaadhi karo hogaaminta Dalka.

 

Maanta waxa Guulaystay Somaliland, Ucid iyo Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee codkooda uu xisbigu kusoo baxay (120,000 kun oo cod). Waxa kale oo cadaatay in Xisbiga Ucid yahay Xisbi Qaran oo lawada leeyahay, waxaana beenawday in qof kaliya uu sheegto Xisbiga, kuna tagrifalo wax ka baxsan awoodahiisa. Guddidu waxa ay cadaysay in Ucid ay ku Midoobeen Labo Garab oo ay kala hogaaminayeen Faysal Cali Waraabe iyo Garabkii Udub ee Jamaal Cali Xuseen, kuna taariikhaysan 12/07/2012. Isbahaysiga cusub ee New Ucid wuxuu noqday mid guul u horseeda in Ucid marlabaad ka mid noqdo saddexda  Xisbi Qaran ee Somaliland.

 

Go,aanadan waxay Guddidu u cuskatay  Heshiiskii Labada Garab ee ku taariikhaysan 12/07/2012, Xeerka Ucid iyo Xeer No.14. Waxa la mudeeyay qabashada shirweyne aan caadi ahayn in mudo 45 cisho gudahood lagu qabto. Labada garab waxay soo magacaabi doonaan Guddi 10 xubnood ah oo maamusha Shirweynaha waxana soo magacaabi doono labada garab si isle’eg, waxaana loo gudbin doonaa Guddida Diiwaangalinta, Guddida shirweynahu waxay si isle,eg usoo xulayaan Ergada shirweynaha. Ilaa inta laga soo saarayo go,aamada shirweynaha Guddida ayaa gacanta ku haynaysa.

 

Shirweynahan aan caadiga ahayn waxa lagu ansixin doonaa Qodobadii Qabyada ka ahaa Heshiiska Isbahaysiga Labada Garab wixii u baahan Shirweyne, waxaana lagu meel marin doonaa wixii kaabis iyo wax kabadal lagu sameeyo Xeerka Ucid sida tirada golaha dhexe oo markii hore ahaa 181 xubnood, in la balaadhiyo oo laga dhigo 301 Xubnood, Guddida fulinta halkay ka ahayd 35 Xubnood, waxay noqonaysaa 55 xubnood. Sida ku cad Qodobka 4aad ee Heshiiska Labada Garab ee ku taariikhaysan 12/07/2012.

Nuxurka Go,aanka dacwada wuxuu noqonayaa Dhamaystirka Heshiiskii Isbahaysiga Labada Garab wixii qabyo ka ah. Midawga labada garab waxa saldhiga u ahaa Laba Shardi oo Waa wayn 1. Inay qabsadaan shirkii Golaha Dhexe…2. Inay qabsadaan Shirweyne aan caadi ahayn, si ay ugu ansixiyaan heshiiska wixii gole dhexe u baahan Golaha Dhexe lagu ansixiyo sida Doorashadii Musharaxa Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen iyo Madaxweyne ku Xigeen Cabdirashiid Xasan Mataan kuwaas oo cod gacantaag ah lagu ansixiyay sida ku cad Go,aanadii Kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe kuna taariikhaysan 28/10/2012. Mana Jiro Shir Gole Dhexe oo danbe oo lagu dooranayo Musharaxiin si waafaqsan Qodobka 6aad ee Go,aanka Guddida Ref. GDU/ A/ SS /229/2016, kuna taariikhaysan 21/07/2016. Sidoo kale Wixii shirweyne u baahan heshiiskana lagu ansixiyo shirweyne aan caadi ahayn. Hadaba Qodobka hore wuu fulay, Balse laguma guulaysan in la qabto Shirweyne si loogu ansixiyo heshiiska wixii u baahan. Go,aankan maanta ee Guddidu Diiwaangalintu wuxuu suurtagalinayaa dhamaystirka Heshiiska Labada Garab iyo fulinta shardigii 2aad ee Heshiisku lahaa kaas oo hore loo ilduufay.

 

Go,aanadan Guddidu waa bilawga dhismaha xisbiga Ucid si uu u noqdo Xisbi Qaran oo lawada leeyahay. Qodobada kale ee ugu muhiimsan ee sheegaya wada  jirka iyo wada lahaanshaha awooda xisbiga waxa ka mid ah:-

  1. Waxay labada garab soo xulayaan Guddi maamusha shirweynaha oo tiro isle’eg ah. 2. Guddidu waxay iska dhex dooranayaan Gudoomiye iyo Xoghaye fulineed. 3. Ergada Shirweynaha si siman ayaa loosoo xulayaa, waxaanay ka imanayaan labada garab. 4. Guddidu waxay maamulaysaa Shirweynaha ilaa inta Go,aamadiisu kasoo baxayaan. 5. Kharashka ku baxaya waxa bixinaya labada garab ee Xisbiga si isle’eg. 6. Waxay labada garab si siman loo qaybsan doonaa dhamaan Guddi Hoosaadyada iyo Xoghaye yaasha xisbiga Ucid.

 

Waxaan kusoo ururinayaa Somaliland waa dal curdin ah oo leh nidaam iyo shuruuc u dagsan laguna xalin karo wixii khilaafaad bulshada u dhexeeya, Somaliland waxay qaadatay dimuqraadiyada iyo nidaamka Axsaabta Badan. Waana muhiim in sharcigu shaqeeyo si loo sugo cadaalada iyo garsoorka. Xisbiga Ucid kii guulaysta ilaahay haka dhigo.

 

Guul Iyo Gobanimo

Mohamed Aadan Gacayte

Sarkaal Ka Tirsan Golaha Dhexe Ee Xisbiga Ucid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here